30″ May,”2023″ Muqdisho”

Fursadaha ganacsi ee la xiriira wax soo saarka Soomaaliya ee dhinacyada Beeraha, Kalluumeysiga, Warshadaha iyo Tamarta ayaa lagu soo bandhigay, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu Muqdisho ka furay shir looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo isku xirka ganacsiga Soomaaliya iyo caalamka. .
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka dhaqaalaha Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxa uu muhiim u yahay isku-xirka ganacsiga Soomaaliya iyo midka Caalamka, waxaana lagu soo bandhigay fursadaha ganacsi ee la xiriira wax-soosaarka dalka ee dhinacyada Beeraha, Kalluumeysiga, Warshadaha iyo Tamarta.
Ra’iisul Wasaaraha oo munaasibaddaas hadal ka jeediyey ayaa waxa uu ku nuux-nuuxsaday kaalinta ganacsiyada gaarka loo leeyahay ay uga jiraan kobaca dhaqaalaha dalka, isaga oo si gaar ah u tilmaamay baahida loo qabo in la soo saaro, lana suuq-geeyo khayraadka dihan ee Soomaaliya
Waxa uuna ku boorriyey ganacsatada Talyaaniga in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee xiligaan ka bannaan Soomaaliya.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxa ay hadda diyaar u tahay in la maalgashado, taasi oo ay xukuumadda Soomaaliya ay dhiiri-galinayso shirarka noocaan ah ee muhiim u ah isku-xirka ganacsiga Soomaaliya iyo midka Caalamka




