Xiisad kacsan ayaa ka jirta magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Puntland

31- May-2023

Xiisad kacsan ayaa ka jirta magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Puntland, halkaas oo lagu arkayo ciidamo hubeysan oo gaadiidka dagaalka ay xirteen jidadka gala madadtooyada Putland arintan ayaa imaaneysa iyadoo sarkaal sare oo dowlada dhexe ka tirsan oo ka soo jeeda magaalada garoowe laga celiyay garoonka magaaladaas

Ciidamadan gadoodsan oo ka cabanaya mushaar la’aan ayaa lagu soo warramayaa inay xirteen aagga xarunta madaxtooyada maamulka Puntland ee ku taalla gudaha magaalada Garoowe.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada ay hakiyeen dhaq-dhaqaaqa waddada gashay madaxtooyada iyo wasaaradaha maamulkaasi, halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada careysan oo dhex dagay bartamaha wadada oo犀利士 ay ka galeen dhufeysyo xoogan.

Sidoo kale ciidamada ayaa waddada ku gooyey Tekniko dagaal iyo dhagaxaan, taas oo keentay in gebi ahaan uu istaago dhaq-dhaqaaqa guud.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada gadoodka sameeyay ay ka tirsan yihiin ciidanka gaarka ah ee madaxtooyada Puntland, kuwaas oo mushaaraadka ay ka maqan yihiin dhowr bilood oo xiriir ah, taas oo keentay inay cabashadood asoo bandhigaan.

Arrintaan ayaa sameyn ku yeelatay shacabka iyo qaar kamid ah shaqaalaha ka shaqeeya wasaaradaha Puntand, maadaama laga xirtay waddadii ay u mari lahaayeen mshaqada.