1- June-2023- Dheeho”
Halkee buu ku wajahan yahay Messi oo ka tagaya Paris St-Germain ?
Su’aasha hadda taagan ayaa ah halka uu ku wajahan yahay weeraryahanka reer Argentine Lionel Messi ka dib kulankiisa ugu dambeeyay ee sabtida kooxda reer France iyadoo tababaraha Paris Saint-Germain Christophe Galtier uu xaqiijiyay tagitaanka ciyaaryahanka oo laba sano ku qaatay PSG .”
Halyeyga kubada cagta Argentina Lionel Messi ayaa ka tagi doona Paris Saint-Germain (PSG) dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib labo sano oo uu joogay kooxda, sida uu sheegay tababare Christophe Galtier.
Kulanka PSG ay sabtida la ciyaari doonto Clermont ayaa noqon doonta kulankii ugu dambeeyay ee Messi uu ku ciyaaro Parc des Princes, Galter ayaa sidaas sheegay Khamiistii. Heshiiska Messi waxa uu dhacayaa dhamaadka bisha June
U dhaqaaqist犀利士 a Messi oo 21 gool iyo 20 caawin u sameeyay kooxda PSG tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan ayaa timid kadib markii uu caasimada France uga soo dhaqaaqay Barcelona heshiis laba sano ah.
35-sano jirkaan, oo Argentina ku hogaamiyay horyaalnimada adduunka ee Koobka Adduunka Qatar bishii Diseembar, sidoo kale wuxuu ku faanaa rikoor todobo abaalmarin ah oo Ballon d’Or ah, wuxuu kula guuleystay PSG horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkii 2021-22 iyo 2022-23. iyo sidoo kale koobkii French Super Cup ee July 2022.
“Waxaan fursad u helay inaan tababare u noqdo ciyaaryahankii ugu fiicnaa taariikhda kubada cagta,” Galtier ayaa sidaas yidhi. “Tani waxay noqon doontaa kulankiisii ugu dambeeyay ee Parc des Princes, waxaana rajeynayaa inuu heli doono soo dhaweyn diiran.
Bishii hore, warbaahinta Faransiiska ayaa sheegtay in Messi uu ganaax ku maqnaa muddo laba toddobaad ah ka dib safar aan la fasixin oo uu ku tagay Saudi Arabia markaasoo ay ahayd inuu tababar la qaato kooxdiisa ka dib guuldaradii 3-1 ee gurigooda ka soo gaartay Lorient ee horyaalka.
“Sanadkan, waxa uu ahaa qayb muhiim ah oo ka tirsan kooxda, mar walbana waa la heli karaa. Uma maleynayo in mid ka mid ah faallooyinka ama dhaleeceynta ay xaq yihiin, “Galtier ayaa yiri.
Mustaqbalka Messi oo la la xiriirinayo Sucuudiga
Mustaqbalka Messi ee PSG ayaa ahaa mawduuc aad loo hadal hayay dhawaan iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya inuu helay dalab rasmi ah oo uu ugu biirayo kooxda Saudi Arabia Al-Hilal xilli ciyaareedka soo socda.
Messi ayaa heshiis ganacsi kula jira Sucuudiga si uu u horumariyo dalxiiska dalka bariga dhexe, waxaana lala xiriirinayaa inuu halkaas u dhaqaaqi doono lacag badan dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Waxaa sidoo kale jirtay hadal heyn ku saabsan inuu ku laabanayo Barcelona, halkaasoo uu ku qaatay inta badan xirfadiisa ciyaareed, ama Mareykanka oo uu ka ciyaaro MLS.
Messi ayaa Barcelona yimid isagoo 13 jir ah wuxuuna ka tagay isagoo kula guuleystay 35 koob. Wuxuu kooxda ka caawiyay inay ku guuleysato Champions League afar jeer, horyaalka Spain 10 jeer, Copa del Rey todoba jeer iyo Spanish Super Cup sideed jeer.
Messi ayaa sidoo kale ah gooldhaliyaha ugu sareeya kooxda isagoo dhaliyay 672 gool 778 kulan oo uu saftay, waana gooldhaliyaha ugu sareeya horyaalka Spain isagoo dhaliyay 474 gool 520 kulan oo uu saftay.