1- June- 2023-
Madaxda dalalka xubnaha ka ah dalada bulshada bariga Africa ee EAC ayaa ansixiyay warbixintii guddiga qiimeynta codsiga xubin noqoshada Soomaaliya
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweysay tallaabadaas, ooy Ku tilmaamay “guul diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo u soo hoyatey dalka iyo dadka somaaliyeed
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay ansixinta warbixintii guddiga qiimeynta codsiga xubin noqoshada Soomaaliya ee dalada bulshada bariga Africa , warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay wax weyn ku soo kordhin doonto wadamada walaalaha ah ee EAC, islamarkaana ay ka qayb-qaadan doonto is dhex-galka iyo barwaaqada gobolka.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhawaynaysaa ansixinta “Warbixinta Xaqiijinta” ee codsigeeda ay soo saareen Madaxda Waddamada Bariga Afrika, kaasoo dib u eegis iyo falanqayn lagu sameeyay shir-madaxeedkii 21-aad ee aan caadiga ahayn ee 31-kii May lagu qabtay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.
Waxa kale oo lagu yiri “Qaadashada warbixinta hubinta ayaa ah tallaabo xusid mudan iyo marag ma doon ah in Soomaaliya ay diyaar u tahay oo ay si buuxda u qalabaysan tahay in ay ku biirto EAC.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale bogaadiyay in kalsoonida uu kasoo baxay shir-madaxeedka codsiga Soomaaliya ee ah inay ka mid noqdaan EAC iyo xirfadda ay muujisay xoghaynta.
“Soomaaliya waxay mahad-celin iyo bogaadin u soo jeedinaysaa madaxda xubnaha ka ah iyo xoghaynta guud ee bulshada Bariga Afrika.”
Bayaanka dowladda ayaa ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay in tallaabadan ay xaqiijinayso go’aankeeda iyo rabitaankeeda ku aaddan inay gasho wada-hadallo miro-dhal ah oo soo dadajin kara xaqiijinta EAC ee xubinnimadeeda iyo si rasmi ah ku biiristeeda.
Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa horraantii sanadkaan ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo ay ka qeyb-galeen wafuuda ka socotay toddobada waddan ee EAC.
Ma犀利士 daxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 21 Luulyo 2022-ka ka qayb-gelay shir hordhac u ah shir-madaxeedka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay marti-gelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid noqoshada Soomaaliya ee dalladan.