Abaandulihii ciidamada Somaliland, Saleebaan Barre Geesood ayaa lagu soo dhaweeyay laascaanood

4- June-2023-Laascaanood

Abaandulihii ciidamada Somaliland, Saleebaan Barre Geesood ayaa ku biiray ciidamada SSC-Khaatumo ee dagaalka kala soo horjeeda Somaliland.

Mas’uuliyiin ka tirsan SSC iyo shacab badan ayaa sarkaalkan kusoo dhaweyaay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Soo

Geesood ayaa kamid ahaa saraakiisha kasoo jeeda SSC ee wali kusii harsanaa Somaliland tan iyo intii uu bilawday dagaalka gobalka Sool.

Waxa uu ku biirayaa tiro saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo deegana ah balse ka tiraaneyd Somaliland oo mudooyinkii lasoo dhaafay u goostay dhinaca SSC, iyagoo ka gadooday gumaadka lagu hayo wali shacabkooda.