4- June-2023- Xudur

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa qaabilay Saraakiisha Guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka oo uu kala hadlay u diyaar garowga bilaabashada wajiga 2-aad ee Dagaallada Dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta.
Kulanka ayaa ka dhacay Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool oo uu labadii maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed