Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay Kalfadhiga labaad ee Golaha Deegaanka QM

5- June-2023- SONNA

Wasiiru-dowlaha  Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan (Bashiir Goobe) iyo Danjiraha Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya Mudane Ambassador Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa maanta magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kaga qeybgalay furitaanka  shir-weyne ay qabaneyso  UN- Habitat.

Shirkaan ayaa ah furitaanka kalfadhiga labaad ee Golaha Deegaanka Qaramada Midoobe (UN Habitat), kaas oo arrimo badan looga hadli muddada uu shirka socdo.

Mowduuca sanadkaan ee kal-fadhigaan ayaa  lagu gorfeyn doonaa waxa loogu yeero Mustaqbal Magaalo waarta, iyada oo loo marayo is-dhex-gal dhinacyo badan leh, si loo gaaro yoolka horumarineed ee joogtada ah waqtiyada xasaradaha caalamiga ah ay jiraan