Madaxweyne Xasan Shiikh oo Wiilka Museveni ka Gudoomay dhambaal uu ka siday aabihiis

7-‘June-2023- Muqdisho”

General Muhoozi Kainerugaba oo tagay magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay dhambaal uu ka sido Madaxweyne Yuweri Museveni oo ku aadan xoojinta iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagixisada shabaab oo qatar ku ah xasiloonida iyo horumarka Gobolka.

Booqashada wiilka Museveni Janaraal Muhoozi oo Muqdisho Tagay ayaa ku soo beegmaysa todobaad ka dib markii tiro ciidamada Uganda oo qeyb ka ah howlgalka nabad,iaalinta Africa ee ATMIS lagu Somalia, weerar ay masuuliyadeeda sheegatay kooxda shabaab

Madaxweyne Xasan shiikh ayaa ka guddoomay Janaraal Muhoozi dhambaal uu ka siday Aabihiis

Warbaahinta dowlada ayaa sheegtay in Ergeyga Madaxweyne Museveni ee Muqdisho Tagay uu Madaxweyne Xasan gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni kaas oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo Iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo khatar ku ah xasilloonida iyo horumarka Gobolka

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warramey wafdiga Uganda sida ay u socdaan hawlgallada dalka ka dhanka ah argagixisada, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay dananeyso dowladda Soomaaliya in laga kaabo, si ay ugu guuleysto halgankan, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda garab istaagga xasilloonida Soomaaliya iyo sida ay dhiig iyo hantiba ugu hureen dagaalka ka dhanka ah argagixisda Al-Shabaab.