8 June-2023- BBC
Somaliland ayaa soo dhoweysay baaqa kasoo baxay golaha ammaanka ee qaramada midoobay, kaas oo looga hadlay dagaalka magaalada Laascaanood.
Golaha ayaa sidoo kale ka dalbaday Somaliland inay ciidamadeeda kala baxdo magaaladaas.
Laakiin Somaliland ayaa ka hortimid qeyb ka mid ah qaraarka golaha ammaanka, iyada oo sheegtay in si khaldan wax loogu sheegay 犀利士 golaha.
Waxay sheegtay inay ciidamadeeda kala baxday Laascaanood 26-kii Febraayo. “Waxaan tan iyo xilligaas ay [ciidamada Somaliland] difaac adag ku lahaayeen meel ka baxsan magaalada Laascaanood. Ciidamada Somaliland ayaa si adag uga hortagay in ay waxyeelo soo gaarto dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri warka Somaliland.
Somaliland ayaa sidoo kale in baaqyada wada-hadal ay diideen madaxda beelaha Laascaanood.
Faisal Cali Waraabe oo ka falceliyay war saxafadeed ka soo baxay Qaramada Midoobay
Madaxa xisbiga Ucid Faisal Cali Waraabe oo kafal celiyay war saxafadeed ka soo baxay Gollaha amaanka ee qaramada midoobay oo ay kusoo dhaweeyeen dadaalada lagu soo afjarayo dhibaatada ka ataagan Laascanood ayaa sida tan Bartiisa Twitterr-ka ku soo qoray, ”UNSC ma laha awood sharci iyo mid damiir ah oo ay kaga hadasho arrimaha Somaliland mar haddii aynaan xubin ka ahayn UN-ta, yaynan isku dayin in ay kahadlaan meeqaamka Somaliland marka ay wada hadlayaan. Ama qira jiritaankeena ama wacyigiina naga daaya.”
War saxafaadeedka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa soo saaray madaxweynaha golahaas, Lana Zaki Nusseibeh oo ah danjiraha halkaa u fadhida Isutagga Imaaraadka Carabta waxaa qoraalka lagu sheegay in goluhu uu soo dhaweynayo dedaallada ay wadaan dowladaha Soomaaliya, Itoobiya, iyo sidoo kale odayaasha dhaqanka ee lagu raadinayo xabbad joojin laga gaaro colaadda Laasacaanood.
Golaha Ammaanka ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku barakacay dagaalka oo tiradoodu uu ku sheegay in ay ka badan tahay 150 kun oo qof.