9- June-2023- Muqdisho”
Dowladda Soomaaliya, ayaa Ku dhawaaqday qorsha kala guurka hawgalka ammaanka ee ciidamada ATMIS ee Soomaaliya, oo la guda galay abaabulka iyo hannaanka ka bixitaanka dalka Soomaaliya ee ciidamada howlgalka midowga africa iyadoo dabayaaqada sanadkan lagu wado 2000 oo Askari in laga saaro Somalia
Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ciidamadeedu ay u diyaar u yihiin la wareegista amniga gudaha si buuxda.
Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka gacan ka heleysa bah wadaagta ay iska kaashadaan dhanka ammaanka, ayaa bilihii lasoo dhaafay waxey tababartay ciidamado, kuwaasoo kala wareegaya amniga ciidamada ATMis oo gaaraya 2,000, goobo ay kusugan yihiin.
Ciidamada ATMIS, ayaa kama danbeyn si buuxda ugu wareejin doonna mas’uuliyadda amniga dhammaadka bishan June ee sanadkan 2023-ka ciidamada dowladda Soomaaliya, sida uu qorayo qaraarada Qaramada Midoobay Golihiisa Ammaanka, ee tirsigooodu yihiin 2628 iyo 2670