9- June-2023- Muqdisho
CUSBOONEEYSIIN
Weerarka fiidnimadii Jimcaha ka dhacay maqaayadda caanka ah ee Pearl, oo ku taalla xeebta Liido ee caasimadda, waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 7 qof, sida ay sheegeen adeegga ambalaasta ee caasimadda.
Ciidamada ammaanka ayaa hadda waxa ay wadaan howlgal ay ku doonayaan in ay ku soo afjaraan maleeshiyada Al-Shabaab ee weerartay dad rayid ah oo ku sugnaa hotel ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri barta Twitter-ka ee wakaaladda wararka Soomaaliya.
“Dad badan oo shacab ah ayaa laga soo badbaadiyay goobta, howlgalkana waa uu socdaa
C/qaadir C/raxmaan oo ah Agaasimaha Hay’adda Aamin Ambulance ayaa sheegay in ilaa hadda ay soo gaareen ilaa 7-ruux oo ku dhaawacantay Hoteelka.
Al-Shabaab Oo Sheegtay Masuuliyada Weerarka
“Mujaahidiintu waxay u suurtagashay inay galaan xeebta Pearl welina si buuxda ayay gacanta ugu hayaan,” ayay kooxdu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.
Xeebta Liido waa mid ka mid ah meelaha ugu caansan magaalada Muqdisho, waxaana aad u mashquul badan habeenka jimcaha, iyadoo Soomaalida ay ku raaxaystaan maalmaha fasaxa ah oo ay booqdaan goobaha lagu qaxweeyo iyo goobaha jalaatada.
Weeraradan ayaa yimid maalmo un kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay 54 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ku dileen weerar ay ku qaadeen saldhig ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin degmada Buulo Mareer bishii hore.
CUSBOONEEYSIIN
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga ayaa lagu soo waramayaa in ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, iyagoo ka jawaabaya weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Pearl Beach.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dableyda ay ka gudbeen goob ay qaraxyo ka dhaceen. dhowr; Rasaas ayaa sidoo kale laga maqlayay goobta uu weerarku ka dhacay.
Dhacdo Deg-Deg Ah
Jugta qarax xooggan ayaa dhowr daqiiqo kahor laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, qaraxa kadib ayaa waxaa sidoo kale la maqlay rasaas xoog leh oo isku daba dhacday.
Weerar loo adeegsaday qaraxyo Is-miidaamin ah ayaa la tilmaamay in lagu qaaday Hoteelka Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido, isla markaana waxaa gudaha u galay rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo haatan ka dhex dagaalamaya hotelka.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa gebi ahaan isku gadaamay aaga uu weerarka ka socdo, xaaladda ayaa lasoo warinayaa inay tahay mid kacsan.
Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa kusii qul-qulaya goobta, weli lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka ka socda Hotelka Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho