Man City vs Inter Milan – Isku aadka finalka Champions League

10- June 2023- News Agencies

Ciyaarta oo ka dhaceysa garoonka Ataturk Olympic Stadium waxa ay bilaabaneysaa 10:00pm xiliga geeska Afrika (19:00 GMT).

Manchester City oo saddexley ceyrsanaysa ayaa raadineysa inay ku guuleysato Champions League markii ugu horeysay, ka dib markii ay xilli ciyaareedkan ku guuleysteen koobabka Premier League iyo FA Cup.

Inter Milan ayaa ciyaareysa finalkii shanaad ee Champions League waana markii ugu horeysay tan iyo markii ay koobka qaaday 2010. Kooxda seddexda jeer ku guuleysatay European Cup ayaa horay u xaqiijisatay Coppa Italia iyo Supercoppa Italiana xilli ciyaareedkan.

Waa finalkii labaad ee Champions League ee lagu qabto dalka Turkiga – kii ugu horeeyay wuxuu ahaa guushii caanka ahayd ee Liverpool ay kaga badisay AC Milan garoonka Ataturk Olympic Stadium 2005tii.

Milkiilaha Manchester City Sheekh Mansuur oo ka Qeyb- Galata Fianlka City Iyo Inter

Milkiilaha kooxda Manchester City Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan ayaa ka qeyb gali doona bandhigga finalka Champions League ee garoonka Olympic-ga Ataturk.

City ay kor u kacday tan iyo markii uu la wareegay Sheikh Mansour oo ka qeybgalkiisa daawashada finalka ay kooxdiisu ku wajaheeyso Inter Milan ay ilo wareedyo kooxda ah u xaqiijiyeen wakaalada wararka ee PA.

Guddoomiye Khaldoon Al Mubaarak ayaa sidoo kale lagu waday in uu ka qeyb galo ciyaarta bandhigga ah ee ka dhaceysa garoonka Olympic-ga Ataturk.

City ayaa kor u kacday si ay u noqoto kooxda awooda badan ee ciyaarta Ingariiska ee uu hogaamiyo Mansour ee kooxda iyagoo ku guuleystay todoba horyaal oo Premier League ah 12kii sano ee la soo d犀利士 haafay iyo shan ka mid ah lixdii sano ee ugu dambeysay.

City waxa kale oo ay hadda fadhidaa xudunta shabakad caalami ah oo ka kooban 13 kooxood oo loo yaqaan Kooxda Kubadda Cagta City