11- June-2023
犀利士Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha caruurta ee UNICEF ayaa ka hadashay qarax ay caruur badan dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen oo jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, qaraxa ayaa ka dhashay hub haraadi ahaa.
UNICEF oo qoraal soo saartay ayaa waxa ay ku sheegtay inay ka naxday qaraxa ay ku dhinteen carruurta badan, waxayna tacsi tiiraanyo leh u direen qoysaska dhibanayaasha, iyagoona caafimaad degdeg ah u rajeeyay caruurta kale ee waxyeelada gaartay.
Dhacdadan naxdinta leh ayaa hoosta ka xariiqeysa muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada isku haya Soomaaliya ay si taxaddar leh u maareeyaan walxaha qarxa, la nadiifiyo haraaga miinooyinka iyo walxaha aan wali qarxin, iyo in la kordhiyo wacyigelinta ubadka iyo bulshada ee khataraha ku gedaaman miinooyinka” ayey tiri UNICEF.
Sidoo kale Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha caruurta ee UNICEF ayaa ku baaqday in gargaar si dhaqsi ah loogu fidiyo shakhsiyaadka iyo qoysaska ay dhibaatadu saameysay.