Qaar Kamid Ah Dhaawacyada Dagaalkii Garoowe Oo La Keenay Muqdisho

23- June-2023- Muqdisho-

-Diyaarad siday qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkii magaalada Garowe ayaa xalay ka soo dagtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde si loogu daweeyo Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Ku dhawaad 10-kamida Gadiidka Gurmadka Deg Dega ee Ampulance oo uu diray Agaasimaha Cafimaadka Gobolka Banaadir Dr C/raxmaan Axmed Maxmuud ayaa dhaawacyada deg deg ku gaarsiiyay Xarumaha Cafimaad ee Magaalada Muqdisho kadib markii Garoonka Diyaaradaha laga soo dajiyay

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadka la keenay oo gaaraya 15 ruux ay xaaladooda qaarkood adag tahay, waxaana socda qorshe caafimaad dibada ah loogu raadinayo.

Dagaalkii Garoowe oo socday laba maalin waxaa ku naf waayay 30 ruux oo shacab iyo askartii dagaalantay ah, halka dhaawaca uu 40 gaarayo, waxaana wali xal buuxa laga gaarin dagaalkaasi.

Isimada dhaqanka ee magaalada Garoowe ayaa xabad joojin kala dhex dhigtay labada dhinac, waxaana socda qorshe lagu doonayo in la isugu keeno labada garab, si loo heshiisiiyo.