Ergeyga cusub ee QM oo sheegtay in weli xaalad Bini’aadantinimo oo khatar ay ka jirto Somalia

23- June-2023

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay kulan gaar ah oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ee NewYork ka yeeshay xaaladda dalka Soomaaliya, waxaana Warbixin looga dhageystay Ergeya UN-ka ee Somalia Catriona Laing.

Iyada oo ka hadlaysa kulankeedii ugu horreeyay ee Golaha Ammaanka Ergeyga Gaarka ah ee Xogaya Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya  Catriona Laing ayaa sheegtay in intii ay ku jirtay safarradii ay ku soo martay Soomaaliya labadii toddobaad ee ugu horreysay  in ay indheheeda ku soo aragtay horumarka baaxadda leh ee uu dalku ka sameeyay dhinaca dawlad dhiska iyo nabad dhiska

Ergeyga oo hadalkeeda wadata ayaa Golaha Ammaanka u sheegtay  in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay horumarinta arrimaha muhiimka ah ee qaranka, oo ay ka mid yihiin magacaabista guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka, meel marinta 11 sharci, iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacday Puntland.

Waxay intaa ku dartay   in xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ah, taasoo ay ugu wacan tahay colaadaha, isbeddelka cimilada iyo yaraanta taageero dhaqaale.

Sidoo kale Ergeyga Gaarka ah ee Xogaya Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya  Catriona Laing ayaa ku boorisay in la taageero 8.25 milyan oo qof oo u baahan gargaar waxayna muujisay baahida loo qabo xalal waara