24- June-2023-
Qaxooti tiro badan oo badda ku qaraqmay – iyo wararka warbaahinta iyo siyaasadda soo toostay. Intaa waxaa dheer, xaaladda halista ah ee muhaajiriinta .
Masiibadii ugu dambeysay ee badda Mediterranean-ka – doon ay saarnaayeen 750 qaxooti ah oo ku degtay Giriiga – ayaa iftiimisay siyaasadaha Midowga Yurub ee ka-hortagga socdaalka, warbaahinno badan oo xoojinaya fariintaas iyo kuwa yar oo madaxbannaan oo dib u riixaya sheekada rasmiga ah.
Ugu yaraan 78 qof ayaa ku dhintay in badan oo kalena waxaa laga cabsi qabaa in la la’yahay kadib markii doon kaluumaysi oo ay la socdeen qaxooti iyo muhaajiriin ay ku degtay xeebaha koonfureed ee Giriiga, taas oo ka mid ah masiibooyinka ugu xumaa sanadkan.
Shilkan ayaa sababay samatabbixin aan buurneyn ooy mararka qaar carqalad kala kulmeeysa dabeylo xooggan, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha, iyagoo intaa ku daray in ilaa 100 qof la soo badbaadiyay ilaa hadda.
Ma cada tirada rakaabka ah ee wali ku jira biyaha ama ku xayiran doonta degtay laakiin wararka hordhaca ah ayaa qaarkood sheegaya in laga yabo boqolaal qof inaybsaarnaayeen doonta.
Doonidan oo ku sii jeeday dalka Talyaaniga ayaa la rumeysan yahay inay ka soo shiraacdayd deegaanka Tobruk ee bariga Liibiya.
Maamulka Giriiga ayaa sheegya in dadka doonida la socday ay u badnaayeen African, Syrian, Afghanistan, Masar iyo Pakistan.
Shaqaalaha Markab jarmal ah oo kuwa gargaarka bixiya ah ayaa loo diiday, inuu u howlgalo badbaadinta , ilaa la arkay doontii oo degtay iyo dadkii oo dhimanaya, qaar kamid ah ilaalada xeebaha ayaa sidaas yiri, iyadoo lays weeydiinayo Is-hortaaga Samatabixinta ma jooji kartaa qulqulka muhaajiriinta ?