25- June-2023-
壯陽藥 has-vivid-purple-color has-text-color has-huge-font-size”>By/ Elmi Osman Farah
Dib-u-dhac, dagaal sokeeye, burbur iyo barakicin shacab. Waa sawirka muuqda 63 sano kadib markii gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska 26-kii June 1960-kii.
Beesha Dhulbahante ayaa dajisay calanka maamulka Hargeysa, 30 sano kadib markii Somaliland ay dajisay calanka jamuuriyada Somalia
Tan iyo 6-dii bishii Febraayo waxaa magaalada Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya ka dhacayay dagaalo culus oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo maleeshiyo beeleed ka soo jeeda beesha Dhulbahante ee waqooyiga Soomaaliya.
Somaliland waxa ay sheeganaysaa xuduudii gumaystihii hore ee British Somaliland intii aysan la midoobin gobolada koonfureed oo la dhihi jiray Italian Somaliland 1960kii si ay u sameeyaan Jamhuuriyada Somaliya.
1991-kii, ka dib markii maleeshiyo beeleed ay afgambiyeen Siyaad Barre, oo xilligaasi xukumayay Soomaaliya, dalku wuxuu galay colaad daba dheeraatay, Somalilandna waxay ku dhawaaqday inay ka go’day Somalia inteeda kale, laakiin Sheegashada Puntland waxay ku xiran tahay xiriirka qaraabonimo ee ay la leedahay beelaha ka soo jeeda gobolka iyo u hoggaansanaanta midnimada,”
Mucjisada muuqata & dimuquraadiyadda jabtay ka dib markii iskahorimaadyadii calanka Somaliland oo la dajiyay iyo saaristii calanka Somalia ay sababeen dhimashada boqolaal qof, iyo boqolaal kale oo barakacay waxaa ku biiray hanjabaad hogaanka Somaliland oo ka turjumeeysa Abuurista Xasilooni-daro guud oo saameysa Koonfurta Somalia oo markeedii horaba halgan kula jirtay kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab
Kahor 2007, markii Somaliland qabsatay Laascaanood, waxaa maamuli jiray Puntland.
Ka mid ahaanshooda Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa xudun u noqday rabshadaha ka dhacaya Laascaanood
Kacdoonkan hadda ka taagan magaalada Laascaanood ayaa bilaabmay 26-kii bishii December markii siyaasiga mucaaradka ah ee deegaankaas lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi, ay dileen kooxo aan la garaneyn, waxaana magaalada ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda.
Muuqaalo aan la xaqiijin oo la soo dhigay baraha bulshada intii uu socday mudaaharaadku ayaa muujinayay ciidamada ammaanka Somaliland oo si aan kala sooc lahayn u rasaaseeyay dibadbaxayaasha. Wararka maxalli ah ayaa sheegaya in ilaa 20 qof lagu dilay mudaaharaadyadan bilowga ah bishii Diseembar kuwaas oo socday ilaa Janaayo.
Markus Hoehne, oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga bulshada, kana tirsan jaamacadda Leipzig, cilmi-baadhisna ka waday Somaliland sannado badan, ayaa Aljazeera u sheegay, “Somaliland waxay u baahan tahay dhulka [dadku maaha] si ay u dhistaan dawladnimadeeda, taas oo ku salaysan xuduudaha gumaystaha.