Munaasabada maalinta 26 June oo muqdisho lagu qabtay

25- June-2023- Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galaya xuska 63-aad ee maalinta xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya, ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay weheliyaan Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa haatan kaga qeyb-galaya Xarunta Gobolka xuska munaasabadda 63-aad ee xornimada gobollada Waqooyi ee dalka.

Xuska 63 guurada ka soo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay xorninada ka qaateen gumeystaha Ingiriiska oo caawa ka socoto xanunta dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa kaloo ka soo qeybgalay xubno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadisa aqal, Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saraakiisha ciidamada qalabka sida, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo madasha ka badlay ayaa sheegay in caawa oo kale ay si aad ah ugu weyntahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiintii ka hadashay ayaa ka sheekeysay dhamaan taariikhaha loo soo maray halganka xornimada dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn Hambalyo ku aaddan xuska 6e guurada ka soo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay xorninada ka qaateen gumeystaha Ingiriiska u diray dhamaan Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan