26- June 2023- Hargeysa
Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay xaaladihii u danbeeyay ee magaalada Laascaanood oo labadii maalin ee ina dhaaftay uu dagaal culus ku dhexmaray ciidnakooda iyo kuwa SSC
Madaxweynaha oo xalay ka hadlayay munaasabada 26-ka June ayaa sheegay in dadka ay Laascaanood kula dagaalamayaan aysan eheyn dadka deeganaka, balse ay yihiin ciidanka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.C.
Somaliland horena umaydilin, hadana kumay duulin, waxaa dagaal dhacayay, maalin dhuqa Somaliland weerar may qaadin, xabadna kumay horayn, tu lagu soo rido oo ay iska daafacdo mooyaane” ayuu yidhi Biixi
Waxa uu sheegay in dhankooda aaney weerar eheyn, isagoo tusaale uga dhigtay in dagaaladii u danbeeyay ciidankooda lagu soo qaaday, wuxuuna soo bandhigay askarta looga dilay.
“Shalay weerar madaafiic ah ayay soo qaadeen 2 dii ugu horeeyay ayay dileen. xaq ayuu u leeyahay ciidanku marka lasoo weeraro in uu jawaab culus bixiyo, ma jiro qof qaadanaya aan ku dile hayla hadlin” ayuu yidhi Biixi.