Shaacinta Qodobada laga beddelayo dastuurka Puntland oo kor u qaaday xiisadda oo


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

26-Jun-2023

Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay qodobada wax ka bedelka lagu sameynayo ee Dastuurka maamulkaasi.

Qorshaha wax ka bedelka iyo meel-marinta Baarlamaanka ee ah in la furo Dastuurka ayaa dhawaan waxaa ka dhashay isku dhac hubeysan oo ka dhacay magaalada Garoowe, gaar ahana agagaarka xarunta Aqalka Wakiilada.

Fariin lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee Baarlamaanka Puntland ee Facebook ayaa waxaa lagu shaaciyay in wax laga bedalayo qodobka 46-aad ee dastuurka Puntland, qodobka 56-aad, qodobka 64-aad, qodobka 7-aad iyo qodobada 112-113.

Muwaadin Golaha Wakiilada Dawladda Puntland isaga oo ka duulaya qodobka 139-aad faqradiisa 3-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland, waxa uu dadweynaha dal iyo dibadba ku wargelinayaa in wax ka bedel lagu sameynayo Dastuurka Dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri farriintaan uu baahiyay Baarlamaanka Puntland.

Qodobka 46-aad oo kamid ah qodobada Dastuurka ee wax ka bedelka lagu sameynayo ayaa waxa uu ku saabsan yahay xisbiyada siyaasadda, wuxuuna Baarlamaanka shaaciyay in wax ka bedelka lagu sameynayo qodobkaas la waafajin doono qodobada kale ee doorashooyinka.

Golaha Wakiilada Puntland ayaa sidoo kale waxa uu ku tilmaamay wax ka bedelka lagu sameynayo qodobka xisbiyada siyaasadda “si fursad loo siiyo ka qeyb-galka siyaasadda ee muwaadiniinta.”

Tallaabadaan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntland, iyada oo dhawaan Isimada gobolka Nugaal ay dalbadeen in la hakiyo tallaabooyinka wax ka bedelka Dastuurka Puntland illaa inta ay ka dageyso xiisadda siyaasadeed ee dhawaan isku rogtay gacan ka hadalka.

Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ayaa gadaal ka riixaya qorshaha wax ka bedelka loogu sameynayo Dastuurka, oo sida la fahamsan yahay gacan-saar la leh madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.