11, 650 Xaaji oo Soomaali ah ayaa ka mid ah malaayiin xujjey muslimiin caalamka ah oo gudanaya waajibaadka Xajka ee sanadkan 2023

26- June-2023- SONNA

Xujeeyda Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Barakaysan ee Makkah Almunawaramaha oo maanta ay u tahay maalinkii siddeedaada,ayaa waxaa soconayo qaban qaabada in Xujeeyda  ay u guuraan degaanka Mina,si acmaasha Xajka ay halkaa uga sii wataan.

Cali Nuur Maxamed oo ka mid ah mas’uuliyiinta guddiga ka shaqeynayo arrimaha xajka ee xujeeyda Soomaalida oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa u sheegay in Xujeeyda ay maanta u ambbabixi doonan Mina, ,halkaa oo ay uga sii gudbi doonaan  Banka carafo, waxa uuna intaa ku daray in xujee壯陽藥 yda ay u dhameystireen dhammaan adeegyadii ay u baahnayeen dhawaan ay dhaqaaqi doonaan.

Sidoo kale qaar kamid ah xujeeyda Soomaaliyeed oo dhankooda la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa dowladda uga mahadceliyay da’daalka ay ku bixisay sidii xujeeyda ay u heli lahayeen waxyaabaha ay ubaahanyihin inta ay acmaasha xajka ku jiraan, sidoo kale ummadda Soomaalieed ayay ugu baaqeen in ay is cafiyaan loona duceeyo dadka iyo dalka intaba,

Xujeeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan ayaa tiradooda gaareysaa 11650-xaaji oo ka kala yimid waddamo kala duwan, waxaana xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay sanadkaan wax badan ka badashay Qiimihii lagu tagi jiray xajka, loona saaray guddi isku dhaf ah oo arintaa ka shaqeeya si daah-furnaan ah ay u tar-tameen shirkadaha ka sheqeeyo duulimaadyada xajka

Leave a Reply