Madaxweynaha JFS oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxa

27- June-2023-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Carafa ayaa dul istaagay caqabadaha curyaamiyey nolasha dadka Soomaaliyeed oo musuq-maasuqu ugu horreeyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay heleyaan dowladnimo dhammeystiran, isku filnaan iyo nolol wanaagsan oo sharaf iyo karaamo leh markii la cirib-tiro musuqmaasuqa, waxa uuna wacad ku maray in dowladda ay si la mid ah Khawarijta ula diriri doonto xatooyada xoolaha dadweynaha.

Dadka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaan leeyahay ciid wanaagsan, gaar ahaan inta xajka maanta u taagan waxaan leeyahay iyaguna Allaha idinka aqbalo, ducada aad Soomaaliya u soo duceyseen Allaha aqbalo”. ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay dhexdooda isu gurmadaan oo ay is caawiyaan inta lagu guda jiro maalmaha Ciidda Carafo.

“Walaalayaal maanta waa maalintii farxadda, maalintii iscafinta, maalintii isu n犀利士 axariishada, dadka Soomaaliyeed ha eegaan dariskooda, ha eegaan danyarta, ha eegaan walaalka Soomaaliga ee Walaalkood ah ee aan waxba heysan”.ayuu yiri Madaxweynaha oo hadalkiisa ku daray in la dhowro xaquuqda dariska.