28- June-2023- Muqdusho
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyada ciidda u diray shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul-Adxaa.
Labada masuul ee ugu sarreeysa dalka ayaa khudbado ay jeediyeen ku sheegay in ay muhiim tahay in nabadda laga qayb qaato si Soomaaliya ay u noqoto nabad.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah uga hadlay musuq-maasuqa, isaga oo wacad ku maray in dowladda ay si dhab ah ula dagaalami doonto.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo mas’uuliyiin iyo qaybaha kala-duwan ee bulshada kula tukaday salaadda ciidda masaajidka Isbahaysiga Islaamka ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyey maalmahan barakaysan ee ciidda Carafo.
Madaxweynaha ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan qorshaha dowladda ee la-dagaallanka Khawaarijta iyo musuqmaasuqa, waxa uuna ku adkeeyey in ay dowladda ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa dhagarta argagixisada i犀利士 yo kuwa caadeystay xatooyada hantida dadweynaha .
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sannadkan sannadkiisa kale ay ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni, isagoo kula dardaarmay in ay gacmaha is-qabsadaan, qalbiyadana isu furaan.