29- June-2023-
Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa iska diiday casuumaad uu u fidiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo la xiriirtay inuu soo gaaro magaalada caasimada ah ee Muqdisho
Sida wararku sheegayaan, madaxweyne Xasan ayaa doonayay inuu aqalka madaxtooyada ee Muqdisho uu wadahadal gaar ah kula yeesho Cali Jeyte, si xal loogu helo xaalada cakiran ee ka taagan gobolkaasi Hiiraan
Diidmada Jeyte ayaa salka ku heyso tuhun ui qabo oo ah in lagu xanibo Muqdisho oo loo diido inuu ka dhoofo garoonka Aadan Cadde, hadii wadahalka ay iski fahmi waayaan madaxda dowladda.
Jeyte ayaa dhawaan sheegtay in loo doortay madaxweynaha Hiiraan Staten, talaabadaas ayuu qaaday saacado kadib markii xilka gudoomiyaha gobolka Hiiraan laga qaaday oo loo dhiibay C/llaahi Axmed Maalin(Sufuroow)