Putland waxay sheegtay in Bankiga adduunka ay ka codsatay dib u-dhigista deeyn cafinta Somalia

29- June-2023-

Dowlad goboleedka Puntland, oo uu weli khilaaf xoogan kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa dalab culus oo xasaasi ah u gudbisay hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka, kaas oo ku aadan arrimaha deyn cafinta.

Wasiirka maaliyadda maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Dhabancad oo u warramay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in IMF iyo Bankiga Adduunka ay ka codsadeen in dib loo dhigo deyn cafinta Soomaaliya oo haatan meel wanaagsan mareyso.

Dhabancad ayaa sababta ku sheegay inay muhiim tahay in marka hore heshiis laga gaaro nidaamka dowlad dhiska Soomaaliya, si xal waara loogu helo maamulka maaliyadda

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in haatan qaabka ay wax ku waddo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay halis u keeneyso deganaasha Soomaaliya, maadaama aan heshiis lagu aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in arrintan ay saameyn doonto GPD-ga dalka iyo guud ahaan dhaqaalaha, sidaas daradeedna ay dalbanayaan in marka hore heshiis la gaaro.

“Haddii maanta IMF iyo World Bank dhahaan dalkii dayn cafin baan ku sameynay, oo 2 billion-dollar lasoo qaato, oo Soomaaliya lasoo galiyo, grants ama deeqihii caalamku bixinayeen ay istaagaan, hadhow maxay samayn ah ayay ku keenaysaa GPD-ga dalka, iyo dhaqaalaha dalka. Annagu waxaan rabnaa inuu dalku marka hore heshiis yahay,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda maamulka Puntland.