Muqdisho : Booliska oo shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay nin ku eedeysan in uu xaday cunug yar !!

29- June-2023- Muqdisho

犀利士 border”>

Booliska ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan eedeysanahan kadib markii lagu soo wargeliyay kiiskaan, wuxuuna talisku soo bandhigay sawirkiisu.

Taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray ku sheegay in sida ugu dhaqsaha badan ninkaan lasoo qabtay loo horgeyn doono cadaaladda.

Booliska ayaa ugu dambeyntiina waxa uu shacabka reer Muqdisho ka dalbaday inay ku soo wargeliyaan haddii ay arkaan falal amni darro, “Muwaadin haddii aad aragto fal amniga liddi ku ah warbixin gaarsii saldhigga kuugu dhow ama wac numberka gaaban ee 991.”

Maalin kahor ayay aheyd markii uu Booliska soo bandhigay nin ganacsatada Soomaaliyeed ee caasimada ku ganacsade ku dhacaya lacag doolar oo been abuur ah.

Ninkaan oo lagu magacaabo Maxamed Ducale Maxamed ayaa waxa uu talisku sheegay in la horgeyn doonaa Maxkamada Awooda u leh, si loogu qaado dambiga loo haysto, loona marsiiyo cadaaladda

Si kastaba, Ciidamada amaanka ayaa muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho ka waday howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee caasimada, oo ayadu aad uga nasataya qaraxyada iyo falalka amni darro ee hore uga fulin jirtay kooxda Al-Shabaab.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa haatan u muuqda mid soo hagaagaya, kadib qorshaha cusub ee dowladda federaalka ay ku sugeyso amniga, iyada oo inta badan amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo howl-gallo ka wada degmooyinka gobolka Banaadir.