Maxay kawada hadleen taliya millitariga Kenya iyo Madaxweynaha Jubaland?

2- July-2023- Kismayo

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay Taliyaha Ciidamada Milateriga Kenya ee loo yaqaano KDF Gen Francis Omondi Ogolla oo safar gaaban ku tagay Jubaland.

Kulanka ayaa lagaga hadlay arrimaha amniga gaar ahaan wajiga labaad ee how犀利士 lgalka ka dhanka ah Al-shabaab gaar ahaan deeanada ay kaga suganyihiin maamulka Jubaland.

Ciidamada kenya ayaa qayb ka ah kuwa ATMIS ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli madaxweynaha Kenya uu dhowaan sheegay in ciidamadiisa ay kusii nagaan doonaan Soomaaliya xitaa hadii lasoo af jaro howlaglka ATMIS.

Xilliga Mr Ruto uu hadlayay ayaa ahayd goor ay Al-shabaab weerar ka geysteen deegaanka Lamu ee gobolka xeebta iyagoo halkaasi ku gowracay dad gaaraya illaa 5 ruux.