3- July- 2023
Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa soo bandhigay hadafka laga 犀利士 leeyahah dagaal sida uu sheegay laga dhex abuuraayo beelaha Xawaadle iyo Abgaal
Mr. Waare oo qoraal kusoo daabacay bartiisa Facebook ayaa sheegay in ujeedka laga leeyahay arrintaasi ay tahay sidii Shabaab dib loogu soo celin lahaa deegaanadii laga saaray, maadaama furimaha dagaalka koxodaasi looga itaal roonaaday
“Shabaabkii waan kaga adkaanay furimaha dagaalka. Si kastaba ha ahaatee hadda ayaa la isku dayayaa in dib loogusoo celiyo furimaha. Dagaalka laga dhex hurinayo beelaha Xawaadle & Abgaal ayaa ah isku daygii ugu dambeeyay ee arrintan” ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabelle iyo dowladda Soomaaliya iney joojiyaan arrintan oo saameyneysa qorshaha lagu ciribtirayo kooxdaasi.
Si kastaba, Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa 16-kii bishii horr xilka ka qaaday gudoomiyihii Hiiraan Cali Jeyte, iyadoo ninka xilka laga qaaday uu ku dhawaaqay maamul ka madax banaan Hirshabelle oo uu ugu magac daray Hiiraan State.