3- July-2023- Muqdisho
Shalay ilaa maanta baraha bulshada ay Soomaalida ku wada xiriirto waxaa qabsaday muuqaallo iyo sawirro muujinayay xabaalo dib loo qodayo hadal hayn xoogganna abuurtay.
Dadka ayaa sheegay in la soo wacay oo lagu amray inay eheladooda ka saaraan qabuuraha Sheekh Macallin Nuur.
Yaa dadka ku amraya inay qabuuraha ay meeydadka ehelladooda la baxaaan?
Alle ha u naxariistee Sheekh Macallin Nur Maxamed Siyaad ayaa waqfay dhulkan uu ugu tala galay in maydka lagu aaso.
Hase yeeshee waxaa soo ifbaxay warar sheegaya in ehelada meydadkii qabuurahaas ku aasnaa lagu amro inay la baxaan oo ay meel kale ku aastaan. Si arrintaan aanu wax badan uga ogaano ayaa waxay BBC la xiriirtay Cabdiqaadir Sheekh Macallin Niur oo inoo sheegay in qoyskiisa aysan wax shaqo ku leheen arrintan.
Qabuurahan waxaa 1980-kii waqaf ka dhigay aabo Sheekh Macallin Nur Maxamed intii ay jirtay dowladdii hore, wixii markaas ka dambeeyayna waxa dhib ah kama jirin illaa hadda muddo laga joogo 7 ilaa 8 bilood oo ay soo baxeen dad sheeganaya dhulkan oo dadka ku amraya inay dadkooda kala baxaan qabuurahaan kadib waan la dagaallanay, odayaal baan u dirnay, dowladdan gaarsiinay wax sharici ahna uma haystaan marka meeshiina waa laga celin waayay.”
“Muddo hadda lix bilood laga joogo waxaa meesha ka dhacday arrin xun oo meesha la isugu tagay. Wareysiyo aan bixinnay dolwaddana aan ka codsanay inay soo faragashato marka waagaas way hakadeen laakiin hadda ayay haddana dib u soo bilaabeen oo marna habeenkii ayay qabuuraha fagayaan marka dadka ayay inta ay soo wacaan ay ku dhahayaan qof walbow qabrigaaga la bax meesha waan dhisaneynaa.”
“Dadkan waa dad dhuumanaya oo diiday inay sharciga tagaan. Waan la kulannay inaan dowladda isula tagnana waa ay naga diideen waxaana ku jira oday ka mid ah dadkii bixiyay ka mid ah waxa uuna leeyahay dhulka waan bixiyay aabo Macalin Nuur ayaana siiyay balse wuu diiday inaan darbi ku wareejino mana sheegayo waxa uu rabo sababtoo ah waxaanu weydiiyay ma bixintii baad ka laabatay.”
Dowladda maxay ka tiri arrintan?
Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrinta qabuuraha ee saacadihii la soo dhaafay aad looga hadal hayay baraha bulshada ku wada xiriirto taas oo ku saabsan dhulka Qabuuraha Macallin Nuur oo dadka qaar shaaciyeen in lagu yiri kala baxa meydadkii horey loogu aasay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo booqday goobta ay ku yaallaan qabuurahan ayaa warbahainta u sheegay in sharciga lala tiigsan doona cidkaste oo ku howlan burburinta iyo ka ganacsiga dhulka Qabuuraha Macallin Nuur ee ku yaalla deegaanka Garasbaaleey.
Wuxuu dadka deegaanka faray in ay joojiyaan meydadka dib loo soo saarayo si meel kale loogu aaso.
Hadalka guddoomiyaha waxaa soo dhaweeyay qoyska Sheekh macallin Nuur gaar ahaan Cabdiqaadir oo BBC-da la hadlay.
”Maanta waan faraxnay markaan aragnay dowladda oo ka hadashay gaar ahaan guddoomiyaha oo meesha tagay marka anaga waxaan rabnaa inay fuliyaan waxa ay yirahdeen. Anaga reer Sheekh Macallin Nuur haddaan nahay inaan darbi ku wareejino qabuuraaha, dowladiina iyada sharciga haysaa waxaa laga rabaa inay fuliyaan.”
Maxay arrintan diinu ka leedahay?
“Dhulka mar haddii waqaf loo bixiyo micnihiisu waxaa waayay waxba lagama baddali karo, lama dhaxli karo lamana iibin karo ilaa adduunka laga rogo waqaf unbuu ahaanayaa,” ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed.
Sheekha oo ka jawaabaya su’aal ahayd waxa meydka la soo saaray laga yeelayo iyo sida aasayo ayaa yiri: “Meydkaas haddii la soo saaro muddaas dheerna u uku jiray dhulka dabcan waxa la soo saarayo waxa ay noqonayaan lafo un ayay noqonayaan marka maaddaamaa horay loogu tukaday markii uu dhintayba hadda markale in lagu sii tukado u baahnoee waa la asturayaa waxaana la sameynayaa lafaha la soo bixiyo ayaa karfan cusub la gelinaya kadibna mee犀利士 l kale baa lagu aasayaa.”
Dadka arrimahan ku hawlan ee meydadka dib u soo saaraya maxaa la gudboon?
“Laba aan u kala qaadno, haddii qofka uu u soo saarayo si aan sharci ahayn isagoo dano adduunyo kale ama uu damac kaga jiro dhulka kaas asaga wuu ku dambaabayaa, waa inuu Alle uga cabsado sababtoo ah dadka dhintay xurmo ayay sida dadka nool oo kale ay u leeyihiin marka waxaa la gudboon inay ka towbad keenaan. Laakiin dad ay dantu ku khasabtay waxaa la gudboon inay si nidaam ah u soo saaraan oo meel kale ay ku aasaan,” ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi oo su’aashaas ka jawaabaya.