Daahir Jeesow oo sheegay in 11 qof oo beeshiisa ah ay Danab gacanta u galeen

5- July-2023

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa war ka soo saaray dad ka soo jeeda beeshiisa oo sida ay sheegay ay ciidanka Danab xabsi ku gureen, kadib markii lasoo qabtay iyagoo hubeysan.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada Danab ka sameeyeen aagga degaanka Yaaqbari-weyne ee gobolka Shabeellada Hoose lagu soo qabtay 11 qof oo u dhashay beesha uu metelo ee Gaaljecel.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dadkaas loo heysto Shabaabnimo, balse ay yihiin shacab difaac uga jiray beel kale oo la degta deegaanada hoos taga degmada Walaweyn oo dagaal sokeeye uu kala dhexeeyo.

Beesha uu metelo xildhibaan Daahir Jeesow ee Gaaljecel ayaa dagaal xal loo waayey oo dakanadiisu ay sanado badan taagan tahay wuxuu kala dhexeeyaa beesha Shan-caleemood oo ay wada degaan Wallaweyn iyo qeybo badan oo Sh/Hoose ka mid ah.

“Ciidanka Danab Shabaqii ay dhigteen waxaa ku dhacay dad rayid ah oo hubka u soo qaatay difaacu-nafsi,11-qof oo reer Miyi ah oo aan Xildhibaankooda ahay ayey xireen Ciidanka Danab, waan baaray arrintaas, waxaan hayaa liiska 11-ka qof oo aan hubiyey inay shacab yihiin,” ayuu yiri Xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu cadeeyey in hubkaas aan loo wadan in lagu dhibaato dowladda ama dad kale, balse dadku ay u hubeysan yihiin, sidii ay u difaacan lahaayeen naftooda oo kaliya

Xildhibaanka oo la hadlay Somali Cable TV ayaa sheegay in dadkaas shacabka ah laga qabqabtay daafaha deegaanka Yaaqbariweyne xilli ay doonayeen inay soo galaan magaalada iyagoo safar ah oo miyiga ka yimid.

“Hadii ciidanka Danab loogu sheekeeyey magaalada Shabaab ayaa yimaada maalmaha qaar oo Shabaab ay shabaq u dhigteen, waxaan u cadeynayaa in shabaqaas aysan Shabaab ku dhicin oo shacab hubkooda difaacu nafsi u soo qaatay ay ku dhaceen,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir.