Kenya oo dib u dhigtay furitaanka xadka ay la wadaagto Soomaaliya


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

5- July-2023

Kenya ayaa dib u dhigi doonta qorshaha dib loogu furayo xadka ay la wadaagto Soomaaliya si ay wax uga qabato mowjadaha argagaxisada iyo dambiyada ka soo gudba xuduudka.

Isagoo ku sugan xerada qaxootiga ee Dhadhaab, wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki ayaa sheegay in go’aankan uu sabab u yahay weerarrada joogtada ah ee Al Shabaab ay ka geysanayaan gobollada xuduudda.

Bishii June oo kaliya, ismaamulada Mandera, Wajeer, Garissa iyo Lamu ayaa laga diiwaan geliyay in ka badan shan iyo toban weerar oo argagixisanimo, oo ay ku dhinteen in ka badan labaatan qof, oo u badan saraakiisha ammaanka.

“Kenya iyo Soomaaliya waxa ay wadeen qorshe dib loogu furayo xuduudaheenna Mandheera, halkan Liboi, Kiunga iyo deegaannada kale ee xuduudka ku teedsan. Qorshuhu wuu sii socon doonaa laakiin hadda waanu dib u dhigaynaa,” ayuu yidhi Kindiki.

“Bishii la soo dhaafay, waxaan ogaanay oo aan la kulanay carqaladeyn nabada iyo amniga, waxaana joojinay qorshahaas in muddo ah si aan ugu ogolaano inaan la dagaalanno xagjiriinta,” ayuu raaciyay.

15-kii May, Kenya waxay ku dhawaaqday qorshe ay si rasmi ah dib ugu furayso xaduuda ay la wadaagto Soomaaliya ee Mandheera, Lamu iyo Gaarisa muddo 90 maalmood gudahood ah.

Arrintan ayaa lagu dhawaaqay kadib wadatashi heer sare ah oo ay Nairobi ku yeesheen Kithure Kindiki iyo dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh.

Dib u furista xuduuda ayaa ahayd in si hufan loo soo afjaro 12 sano oo isbaaro ah oo soo bilaabatay sanadkii 2011 markaas oo Kenya ay bilowday howlgalkii Linda Nchi ee lagula dagaalamayo qulqulka dagaalyahanada Al Shabaab ee gudaha dalka.

“Waxaan go’aan ku gaarnay in xuduudka Kenya iyo Soomaaliya u dhexeeya dib loo furo wejiyo, waxaa ugu horreeya Buula Xaawo oo Mandheera ka tirsan 30 maalmood gudahood, ku xiga Liboi (Mandera) 60 maalmood, Ras Kambooni (Lamu) 90 maalmood gudahood,” Kindiki. ayaa yidhi markaa.

Isku xirka xuduudah

Dowladda ayaa sidoo kale ka baaraan degeysay in lagu daro bar xuduudeedka afaraad ee ismaamulka Wajeer.

Wasiirku waxa uu sheegay in bulshooyinka xuduudka labada dal ay wadaagaan waxyaabo badan, loona baahan yahay in la xoojiyo xidhiidhka xuduudaha.

Boostada Buula Xaawo ee Mandheera ayaa lagu waday in dib loo furo 1-da Luulyo.

Mandera ayaa ah meesha ugu badan ee ay waxyeelada ka soo gaartay weeraradii argagixisanimo ee dhowaan ka dhacay dalkaasi, sababtuna waa in ay u dhowdahay Soomaaliya.

Akhriso: Maleeshiyada Al-Shabaab oo ka dhigtay waqooyiga Kenya garoon ay ku ciyaaraan

“Ma fududayn in xuduudka la furo. Waxaan leenahay dadka ka faa’iidaysta badeecadaha, Al-shabaab-na waxay canshuur ka qaadaan ganacsiyadan ku yaalla gudaha Soomaaliya,” ayuu yiri Mr Cali Cabdi oo ka mid ah dadka deegaanka Mandheera.