Dekeda Boosaaso oo u xiran canshuur kordhin ay sameysay shirkada Imaaraatka Carabta ee DP World

6- July-2023

Shirkadda DP World ee dalka imaaraadka carabta oo raacdeeyneysa inay soo ceshato dhaqaale ku dhow 100 milyar dollar oo maamulkii hore ee Putland iyo maamulka hada uga qaateen in loo ogolaado gacan ku heynta dekada boosaaso ayaa kor u qaaday qiimaha canshuurta taas oo keentay in dakedu xiranto markii ganacsatadu ay ka biyo diideen

Xirnaashaha dekedda ayaa yimid, kadib markii Shirkadda Imaaraadka ee DP-World ay canshuurTa ku kordhisay ganacsatada wax kala soo daga dekeddaasi oo muhiim u ah Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in ganacsatada ay ka biyo diideen lacagaha canshuuraha ee lagu kordhiyay badeecadaha ay la soo dagaan, taas oo keentay inay shaqadu istaagto.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqbaleyn lacagaha dheeriga ah ee ay DP-World kusoo rogtay badeecadaha ay kasoo degsanayaan dekadda Boosaaso.

Horay ayaa siyaasiyiinta kasoo jeeda degaannada Puntland iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada waxa ay ku eedeeyeen DP-World in aysan wax muuqda ka qaban marsada ay sanadaha badan gacanta ku hayso, balse taasi bedalkeeda ay samaysay canshuur kordhin.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in durbo saameynta go’aankan si weyn looga dareemay magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga ee dowlad goboleedka Puntland, waxayna dekeddu aheyd meesha kaliya ee ugu dhaq-dhaqaaqa badan ganacsiga.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka sare ee dekedda iyo Puntland oo ku aadan hakadka ku yimid dhaq-dhaqaaqa dekedda.

DP-World ayaa waxaa horay loogu eedeeyay in aysan wax muuqdo ka qaban horumarinta dekedda, gaar ahaan marsada ay sanadaha badan gacanta ku hayso

Si kastaba, shalay ayay aheyd markii qaar ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee degmada Boosaaso, nabadoono, dhalinyaro iyo howlwadeenno kale ay booqdeen dekedda, si ay usoo qiimeeyaan howlaha ballaarinta oo dhan 犀利士 150M oo dhirer ah iyo 40M oo ballac ah