Kadib dhimista 2 kun oo Askarta ATMIS ah iyo ciidamada Somalia oo la wareegay goobahey baneeyeen Maxaa Isbadelay ?

6- July-2023

Kadib dhimista 2 kun oo Askarta ATMIS ah iyo ciidamada Somalia oo la wareegay goobahey baneeyeen Maxaa Isbadelay ?

Hogwalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS oo hore loo oran jiray AMISOM, ayaa soo gabagabeyay wajigii kowaad ee dhimista ciidamo gaaraya 2 kun oo askari, iyadoo ammaanka goobaha ay ka baxeenna lagu wareejinayo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

650 ciidamo burindi ah, 400 oo itoobiyaan ah, 400 oo Kenyan ah iyo 150 jabuuti ah ayaa qayb ka ah ciidamadaan baxaya.

Waxaa arrintan isku raacay dowladda Federaalka Soomaaliya, hawlgalka ATMIS iyo UNSOS ka dib markii ay kulan yeesheen 4 tii May ee sannadkan. laakiin xiritaanka saldhigyada qaar waxaa ka soo kordhay walaac ay soo gudbiyeen dadka deegaannadaas kuwaas oo sheegay inaysan ogeyn waxa mustaqbalkooda ku dambeynayo.

Ciidamada ATMIS oo ka koobnaa 18,568 askari waxii ka horeyay bishii Deceember ee sanadkii tagay ayaa sameyn doona dhimis kale bisha Sebtembar ee sanadkaan 2023, iyo Juun 2024 taasoo ay xigi doonto bixitaan kama dambaysta ah ee ciidanka ATMIS ee bisha December 2024-ka. Laakin waxaa jiro walaac laga muujiyay dhimistaan.

Haddaba maxaan ka naqaanaa 7 xero ee ay ATMIS banneynayaan.

Xerada Xaaji Cali

Xerada Xaaji Cali

Xaaji Cali waxay 7O kiilomitir waqooyi-bari ka xigta magaalada Muqdisho. Waxay ka mid tahay toddoba xero ee ay ATMIS ku wareejisay Ciidamada Soomaaliya.

Waxaa Taliye ka ahaa Lt. Col. Richard Bimenyimana oo hoggaaminayay ciidamada Burundi kana mid ahaa ciidamada nabad ilaalinta ATMIS. Waxa uu xerada ku wareejiyay Sarreeye guuto Bashiir Abuukar Axmed oo hoggaaminaya qayb kamid ah ciidamada Soomaaliya.

Xerada Cadale

Cadale waxa ay qeyb ka tahay xarumaha ay ATMIS baneysay ee lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya. Waxay sidoo kale ka mid tahay 3 xarun oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Difaaca Qaranka Burundi (BNDF) ee hoos taga ATMIS.

Waxaa lagu wareejiyay Col. Saney Cabdulle, oo hugaamiya ciidan qayb ka ah miltariga Soomaaliya iyadoo munaasabadda ay ka soo qeyb galeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa rayidka ah oo ka kala socday ATMIS iyo SNA.

Brig. Gen. Niyiburana ayaa kula dar daarmay ciidamada nabad qalabkasida ee Soomaaliya ee la wareegay xilka in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan, islamarkaana ay sii wadaan dagaalka lagu jabinayo Al-Shabaab, laguna sugayo amaanka dadka deegaanka.

Xerada Cadale

Xerada Jaziira 0ne

Waxay ka mid tahay xerooyinka la wareejiyay waxaana degganaa ciidamada ATMIS sector one ee ka socday Uganda. Waxay ku taallaa duleedka Muqdisho.

Xerada Arbaco

Waxay ku taallaa Maamul-gobboleedka Koonfur Galbeed, waxaa lagu wareejiyay Ciidam犀利士 ada Qaranka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Kabtan Maxamed Soomali.

Marka laga soo tago afarta xero ee la wareejiyay waxaa jira 3 xero oo gebi ahaanba la burburinayo kuwaas oo kala Mirtuga, Gerilleey iyo Marka Ayub.

Xerada Gerileey: Gerilleey waxay ku taalla gobolka Gedo gaar ahaan xadka Somaaliya ay Kenya kala wadaagto dhanka Wajeer. Wareejinta ayaa waxay ka dhacday munaasabad ay goob jog ka ahaayeen saraakiil sar sare oo ka socda ciidamada ATMIS iyo ciidamada Qaranka Soomaaliya. Waxaana lagu wareejiyay ciidamada Jubbaland.

Xerada Mirtugo: Waxay ku tallaa Hirshabeelle waxaana ku sugnaa ciidamada Burundi ee ka tirsan howgalka ATMIS.

Xerada Marka Ayub: Waxay ku taallaa Buulomareer. Waa xeradii lagu weeraray ciidamada Uganda ee ka tirsanaa ATMIS.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee loo baddelay 1 dii bishii April 2022, ATMIS waxaa 19 kii bishii Janaayo 2007 dhidibada u taagay Golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika ka dib Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 20-kii bishii Febraayo 2007 u ogolaaday Midowga Afrika inuu ciidamo nabad ilaalin ah u diro Soomaaliya kuwaasoo ka hawlgalayay Soomaaliya muddo lix bilood ah balse ciidmadaan ayaa Soomaaliya jooga in kabadan 15 sano.

Howlgalka ayaa waxaa lagu bilaabay ciidamo ka socday wadamada Uganda iyo Burundi halka ay dib ugu soo biireen ciidamada wadamada safka hore ee Itoobiya kenya iyo Jabuuti..

Bilaabashada ka bixitaankooda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto Al-shabaab oo haysta deegaanno ku yaal bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Leave a Reply