Daawo : Dacawad oogaha Somalia ayaa Shaaciyay magacyada 18 Mas’uul oo loo heeysto eedo musuq-maasuq la xiriira

-6- July-2023- Adduunka Tv

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo Goordhow shir jaraaid k壯陽藥 u qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay Liiska mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo baxsad ka ah cadaalada.

Waxa uu sheegay in 18 Masuuliyiin ah oo baxsad ka ah cadaaladda ay jiraan, loona heysto musuq maasuq, wuxuuna raja ka muujiyay iney cadaalada wajahaan.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay iney xiriir dhow la leedahay booliska adduunka ee Interpol oo ay awood u leeyihiin iney gacanta kusoo dhigaan kuwa isku daya iney dalka ka baxsadaan.