Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharciga Shaqaalaha

6- July-2023- Muqdisho

kulan ku yeeshay Xarunta Golaha iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Kulan kaasoo Ajendahiisu  ahaa Marxaladda iyo Xaaladaha Guud ee ku sugan yihiin Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo in la meel-mariyo Shuruucda Caalamiga ah ee Hay’adda Shaqaalaha Aduunka oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano ILO.

Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed  Mudane Cumar Faaruuq ayaa    warbixin Guud ka siiyay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 11aad. xaalada Guud ay ku sugan yihiin Shaqaalo weynaha Soomaaliyeed.

Hanaanka ay ku shaqeeyaan Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo Qaabka  loo Horumarin karo

si kor loogu qaado Aqoontta Qibradda iyo waayo-aragnimada  shaqada,  taasoo ka saacidaysa fulinta hufnaanta iyo tayaynta Shaqada.

Waxuuna sidoo kale sheegay inay jiraan caqabado badan oo haysta Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo sdii xal waara loogu heli lahaa.

Cumar Faaruuq ayaa ka codsaday Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka inay meel-mariyaan shuruucda Hay’adda Caalamiga ah ee  ee marka lasoo Gaabiyo loo yaqaano ILO.

Waxayna Kala yihiin.

B) Barnaamijka Shaqo Hufan ee Hay’adda Shaqaalaha Adduunka

T) Heshiiska Caalamiga壯陽藥 ah ee Hay’adda Shaqaalaha Adduunka  LR 138 ee la Dagaalanka ku shaqaysiga Caruurta

J) Kala guurka shaqada ee Caddaaladda ku dhisan  Sharciga Hay’adda Caalamiga ah ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano ILO.

Dhanka kale Xildhibaan Gudoomiye Nadra Cabdi ayaa uga mahadcelisay  Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Sida wanaagsan oo uu uga warbixiyeen xaaladaha Guud ee ay sugan yihiin Shaqaalaha Soomaaliyeed, ayadoo sheegtay inay wax badan ka qaban doonaan Arrimaha Shaqaalaha iyo xaquuq-dooda Aas-aasiga ah sidoo kalena ay Dardar gelin doonaan  meel-marinta Shuruucdan Caalamiga ah.

Waxay sheegtay inay si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan xoojina doonaan ka warqabka la socodka Arimaha Shaqaalaha Soomaaliyeed ka guddi ahaana Mas’uuliyiinta Gaar ah iska saari doonaan guud ahaan  Arimaha  Shaqaalaha iyo sharciyadooda