7- July-2023
Madaxada hayadaha Sirdoonka Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadlaya Iskaashi iyo wadashaqeyn dhaxmara sirdoonka labada dal
Agaasimaha Sirdoonka Kenya Nuurdaiin Xaaji oo Muqdisho socdaal ku tagay ayaa la kulmaya Agaasimaha Sirdoonka Somalaia ;Mahad salaad si ay u xiojiyaan la dagaalanka argagixisada, bishii hore ayay Sirdoonka Kenya xireen Ganacsade reer Mombasa ah, kaasoo lala xiriirinayo inuu ku lug lahaa labo shixnad oo isugu jira qalab ciidan iyo walxaha qarxa oo bilo ka hor lagu qabtay dekedda Muqdisho, ka hor inta aan la xirin Ganacsadahan laanta la dagaalanka Argagixisada Kenya ATPU waxay xog ku heshay in ninkaan uu
Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, socdaalka taliye Nuuradiin Xaaji ayaa la xiriira sidii labada hay’ad sirdoon “ay isaga kaashan lahaayeen amniga labada dal, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo is dhaafsiga xogaha la xiriira kooxaha argagixisada ah.”
Ka sokow kulanka uu la leeyahay Mahad Salaad, taliye Nuuraaddiin ayaa sidoo kale la sheegay inuu Muqdisho kula kulmi doono madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Socdaalka taliye Nuuradii ayaa imanaya ayada oo toddobaadyadii dhowaa ay aad u kordheen weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso gudaha Kenya, kuwaasi oo dad badan lagu dilay, oo ay ku jiraan saraakiil ciidan.
Kororka weerarada ayaa dhaliyey in Kenya ay dib u dhigto dib u furista xadka ay la wadaagto Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Kithure Kindiki Arbacadii.
Bishii May, waxay labada dowladood ku heshiiyeen in dib loo furo muddo 90 maalmood gudahood ah dhowr xaruumood oo xudduuda ah oo ay ku jiraan Mandheera, Liboi, iyo Kiunga, kuwaas oo xirnaa tan iyo 2011 markii Kenya ay ciidamadeeda u dirtay Koonfurta Soomaaliya, si ay gacan uga geystaan la-dagaalanka Al-Shabaab.
“Dowladdu waxay dib u dhigi doontaa qorshaha gabagabada ah ee犀利士 dib loogu furayo xudduudaha Kenya iyo Soomaaliya si wax looga qabtoo qabto mowjadaha weerarrada argagixisanimo iyo dambiyada xudduudaha,” ayuu Kindiki kusoo qoray Twitter-ka.