TikTok muyaa dhiirrigeliyay in Mareykanka loo tahriibo.?

9- July-2023 – BBC

Markii ay isha ku dhufteen biyaha bunniga ah ee wabiga Rio Grande, koox yar oo soo galooti ah, ayaa dhoola caddeeyey dhammaantood intay meel fog ka eegeen – waa dhammaadka safarkooda dheer ee halista badan lahaa, ee ay u soo galeen gaarista dalka Mareykanka, kaasoo markani u jira boqollaal mitir.

“Si badbaado leh uga gudub webiga,” ayaa lagu akhriyay farriin lagu faafiyay dusha sare ee muuqaalka, oo lagu lammaaniyey astaanta hashtag ee afka Isbaanishka ee #Riyadii dhabawday ee Mareykanka. “Ii soo gudbi farriin, waxaan ku siin doonnaa macluumaad dheeraad ah.”

Muuqaalkani, waa mid kamid ah boqollaal ku jira baraha bulshada, oo dadka looggu ballan qaadayo in laga caawin doono geeddiga loo galayo in nolol cusub laga bilaabo Mareykanka, si badqab ah, oo haddana raqiis ah.

In kasta oo ay u muuqdaan marka isha loo birgaabiyo muuqaalladani kuwo aan waxba dambi ah xambaarsanayn – ama noqon karo mid saaxiibtinnimo – khubarrada ayaa sheegay iney tani tahay khiyaano. “Tani waa tahriibinta dadka,” ayuu yiri Ed Calderon, oo ah sarkaal hore oo katirsan booliiska dalka Mexico, kaasoo ku takhasusay dhulka hogagga laga qodo dhulka xuduudda hoostiisa.

Khubarrada ayaa sheegaya in muuqaalladan la baahiyey – ee ku jira baraha ay kamid yihiin TikTok, YouTube iyo WhatsApp – ay yihiin wejiga dhabta ah ee kooxo u abaabulan si sharci darro ah oo aad loo casriyeeyey, oo hawl galladooda ay ku kacayaan balaayiin Dollar, kuwaasoo ka faa’iidaystay jahawareer ka dhashay isbeddellada siyaasadaha socdaalka ee Mareykanka, si ay u faafiyaan macluumaadka iyo baahida loo qabo adeegyada socdaalka.

Ganacsigani ayaa kor usii kacay, kadib dhamaadka bishii May 11-keedii ee xiligii uu talada hayey Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, uu soo saarey go’aan u oggolaanaya dowladda Mareykanka iney si degdeg ah dadka u masaafurin karto, iyada oo aan la marsiin dhageysi codsiga magangelyo doonnimada, isagoo u cuskaday g’aan kiisa, kadib soo ifbixii cudurkii aafeeyey dunida ee coronavirus.

Laakiin habkani cusub ee soo baxay dhawaan, ayaa dhiirigelinaya hannaanka sharciga ah ee lagu iman karo Mareykanka, isla markaana sidoo kale wata ciqaab adag, oo looggu tala galay kuwa si sharci darro ah xadka ugga soo gudba.

Saraakiisha Mareykanka, ayaa sheegay in tan iyo markii sharciga ciwaankiisu yahay 42 uu dhacay, dadka soogalootiga ee xabsiyada ku jira ay hoos u dhaceen 70%, iyadoo dad badan ay si sharci ah dalka ku yimaadeen.

Natiijada tirooyinka soo baxay, si kastaba ha ahaatee, macnaheedu maaha inay hoos u dhacayaan faa’iidada ururrada dambiilayaasha ah ee caawinaya muhaajiriinta ka tallaaba xadka, iyadoo aan la ogayn.

“Waxay hadda la mid tahay xiliga Ciidda Kiristaanka, kuwani waa dadka tahriibayaal ah,” ayuu Calderon u sheegay BBC-da, isagoo intaas ku daray inay jiraan afkaaro kala duwan oo ay muhaajiriinta ku sheegayaan, in si guul leh ay uga gudbaan xadka, iyaga oo aan la xirin ay aad u adag tahay.

“Kuwaasi waa dhammaan sababta ay u sameynayaan dacaayaddooda, waxayna u saamaxaysaa inay kor u qaadaan qiimaha lacagta ay ka guranayaan dadka muhaajirinta ah.”

Qiimaynta uu soo hadal qaaday Mr Calderon, ayaa waxaa isna ka dhawaajiyay Adam Isacson, oo ah khabiir dhanka socdaalka iyo xuduudaha ah, oo ka socda Xafiiska Washington ee hey’adda Latin America, kaasoo sheegay in baahida adeegga mukhalasiinta ay u badan tahay inay kor u kacdo “gaar ahaan kuwa doonaya inay galaan Maraykanka, iyaga oo aan la ogaan” ka dib sharcigii looggu magac daray 42.

“Haddii tirooyinka dadka soo galootiga hoos u dhacaan, sababo la xiriira isbeddel siyaasadeed cusub oo adag, taasi waxay kor u qaadaysaa qiimaha adeegyada tahriibinta,” ayuu raaciyay.

Muuqaalada ku faafay baraha bulshada, ayaa waxay ku yimaadaan qaabab kala duwan, waxayna marar badan yihiin kuwo aad uga fog khiyaano.

Qaarkood waa ruux macaamiil ah oo u muuqda inuu ku qanacsan yahay adeegii loo qabtay, oo loo malaynayo inay ka hadlayaan guryo ammaan ah, ama waddooyinka ku yaalla magaalo ku taalla dalka Maraykanka.

“Halkan waxaan joognaa magaalada New York,” waa codka ruux u dhashay dalka Venezuela, iyadoo tani uu yahay mid kamid ah muuqaallada noocaan ah, oo lagu soo gudbinayo ruuxani oo dhex socda wadada Manhattan. “Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo asxaabteyda, sida ay ii soo gaarsiiyeen halkan ammaanka ah, sidoo kalana nabadda ah.”

Cinwaanka muuqaalka, kaasoo ka socda “hey’ad socdaal”, ayaa ka codsanaysa daawadayaasha inay soo diraan fariin, ay ku codsanayaan inay u amba baxayaan dalka Maraykanka Dal Ku Gal la’aan.

Kuwo kale ayaa waxay muujinayaan mukhalasiin la qariyay, oo hoggaaminaya kooxaha soogalootiga ah, iyagoo maraya dhul adag, ama isticmaalaya jaranjaro, si ay si degdeg ah uga gudbaan caqabadaha xuduudaha.

Qaar badan oo kamid ah, ayaa waxay ballanqaadayaan adeegyo hufan oo hubanti leh, oo ay iyagu u fidinayaan dadka ku tahriibiya goobaha kala fog fog ee dhaca Koonfurta qaaradda Ameerika, ilaa meelaha ugu dambeeya ee xadka dalka Maraykanka.

Ku dhowaad dunida oo idil, ayaa mukhalasiintani waxay farriimahooda soo raacinayaan taleefanka WhatsApp-ka, iyo ballanqaad in tafaasiil dheeri ah la siinayo ruuxa tahriibaya – oo ay ku jiraan qiimaha iyo hannaanka lacag bixinta – oo la muujinayo, iyadoo laga jawaabayo fariimaha gaarka ah.

Dabeecadda qarsoodiga ah ee kooxahan, ayaa waxay ka dhigan tahay in aan la hayn tirokoob la isku halayn karo, oo ku saabsan inta muhaajiriinta ah ee ka hela mukhalasiintooda baraha bulshada, ama qoraallada ay run yihiin iyo in kale.

XAYEEYSIIS

Guadalupe Correa-Cabrera, oo ah haweeney kaaliye u ah borofisar ee Jaamacadda George Mason oo cilmi-baaris ku sameeya ururrada tahriibinta, ayaa sheegay in Baraha Bulshadu ay u saamaxdo dambiilayaasha inay abuuraan “dareen degdeg ah” oo joogto ah, oo kuwajahan soogalootiga.

Middaani, ayaa iyaduna ugu dambeyntii ku riixi karta muhaajiriinta u gacan galista mukhalasiinta, xitaa dadka muhaajiriinta ah ee aan internetka kala soo xiriirin.

“Tahriibayaashu waxay ka baxeen aagga badqabka, safarkuna wuxuu noqon karaa mid naxdin leh. Waxaa jira waxyaabo badan oo ku dhaca maskaxdooda sidoo kale,” ayay tiri. “Shabakadaha tahriibka ayaa fahma taasoo ka shaqeeya, si dabiici ah, si ay ugu soo gudbiyaan macluumaadka khaldan, una cabsi galiyaan, si ay muhaajiriintu isugu dayaan safarka inay u sameeyaan si kasta oo ay awoodaan.”

Khubarrada ayaa sheegay in qiimaha adeegyada tahriibku ay aad u kala duwan yihiin, waxaana inta badan lagu go’aamiyaa waxa ay dadka wax tahriibiya u arkaan iyaga – ama qoyskooda – inay bixin karayaan, xili hore ama qeyb qeyb muddo ka dib.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ka digay in dadka soo galootiga ah ee aan wax lacag ah bixinin inta badan lagu qasbo in ay u shaqeeyaan kooxaha maafiyada ah, mararka qaarna ay noqdaan dhillooyin, darawallo ama kuwa ka shaqeeya Maandooriyaha. Qaarkood ayaa waxaa si fudud looggu haystaa guryo qarsoodi ah, illaa kharashka si buuxda loogga soo celiyo, ama looggu hanjabo in la waxyeeleynayo qoysaskooda ku nool Maraykanka, ama dalkoodii dib looggu celinayo.

“Waa kooxo waaweyn, waana shabakado maafiya ah,” ayuu yiri Mr Calderon. “Dadka ka shaqeeya tahriibinta xudduudaha, ayaa haatan kamid kuwa ugu lacagta badan”.

Mr Calderon ayaa wuxuu ku qiyaasay in xitaa heshiisyada nooca ugu yar – oo uu ugu magac daray “bal aan aragno haddii aan halkaas ku tagi karno” safarka la yiraahdo – wuxuu ka bilaabmi doonnaa inta u dhaxaysa $ 5,000 iyo $ 8,000 qoyska ka kooban afar qof, kaasoo ka bilaabaya xadka dalka Mexico.

Hey’adda sharci fulinta ee haatan iyo kuwii hore ee dalalka Maraykanka iyo Mexico, ayaa ku qiyaasay in qiimaha caadiga ahi uu ahaan jiray ku dhawaad $15,000, taasoo iminka kor ugu kacday inta u dhaxaysa $50,000 iyo $60,000, muhaajiriinta badan oo ka imanaya meel ka baxsan Latin America. BBC-du way awoodi waysay inay si madax banaan u xaqiijiso qiimayaashan.

Arrinta ku saabsan wararka been abuurka ah ee baraha bulshada, ayaa si isa soo taraysa u qabatay indhaha saraakiisha Mareykanka.

Wax yar ka hor dhamaadka go’aankii looggu magac daray 42, tusaale ahaan, Xoghayaha Amniga Gudaha, Alejandro Mayorkas, ayaa uga digay muhaajiriinta inay ku dhacaan dabinka been abuurka ah, kaasoo loola jeedo “in lagu soo jiito dadka nugul ee ku tahriibaya xuduudaha dalalka dhaca dhanka Koonfureed ee America”.

XAYEEYSIIS

Intaa waxaa dheer, Waaxda Amniga Gudaha, ayaa waxay bilawday olole xayaysiiska Internet-ka, oo looggu magac daray “geo- targeted” oo ku saabsan aaladaha warbaahinta bulshada ee Bartamaha iyo Koonfurta Ameerika.

Xayeysiisyada ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu gaarsiiyo muhaajiriinta aaladahooda gacanta, oo lagu jiheeyo barnaamijyo lasoo dajisan karo, oo ay dowladdu maamusho oo caddaynaya xaqiiqooyinka ku saabsan siyaasadaha socdaalka Mareykanka, oo gudbiya digniino ku saabsan khataraha.

Saraakiisha Mareykanka, ayaa BBC-da u sheegay in xayaysiisyadu ay wali socdaan, xitaa ka dib markii siyaasaddii dhawaa ay is bedeshay.

Shirkadda TikTok, dhankeeda, ayaa sheegtay in aysan u “dulqaadan doonin” tahriibinta dadka, waxayna u heellan tahay “maalgelin muhiim ah” si loo helo loogana saaro waxyaabahan oo kale, iyada oo akoonnada xadgudubka ah si joogto ah loo mamnuucay. Labada muuqaal ee sheekadan lagu sheegay mar hore, ayaa meesha laga saaray, kaliya waxaa si degdeg ah looggu beddelay kuwo kale oo la mid ah.

Alex Pacheco, oo horey u ahaan jiray Kormeeraha iyo Ilaalada Xuduudaha (CBP) isla markaana khibrad 20 sano ah u leh ciidanka, ayaa sheegay in wararka been abuurka ah ee Baraha Bulshada ay u badan tahay inay sii socdaan, iyadoo dadka wax tahriibiya ay doonayaan inay ka faa’iideystaan welwelka muhaajiriinta, ee ku aaddan saameynta siyaasadda gudaha ee Mareykanka. iyo dhacdooyinka xadka.

Mr Pacheco ayaa waxa uu aaminsan yahay in isbeddelkani uu sii socon doono, maadaama haatan dalka Maraykanku ay kusoo wajahan tahay doorashada madaxtinimada ee sanadka 2024-ka.

“Waxay had iyo jeer oran doonaan dadku waxaad u baahan yihiin inaad haatan ka gudbaan xadka, dadka qaar ayaa loo sheegayaa in qiimihu kor u kici doono, haddii aanu ka gudbin ka hor go’aanka 42, tusaale ahaan,” ayuu yiri Mr Pacheco.

“Hadda waxay u badan tahay inay dhahaan waxaa jiri kara maamul cusub uu yimaado, in madaxweynaha cusub uusan noqon doonin Joe Biden, ama in xuduuddu ay dib ugu laaban doonto sidii ay ahayd maamulkii hore… ayuu ku daray.