9- July-2023- Muqdisho
Soomaaliya, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa saddexdii bilood ee la soo dhaafay ku guuleystay in baaritaanno lagu sameeyo afartan qof oo lagu eedeeyay musuq maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku takri fal awoodeed iyo xil gudasho la’aan, sida Warbaahinta Qaranka ay ogaatay. Warbixin Dheeho.com
Afartanka Ruux ee Baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, tirada dhiman ayaa wali waxaa ku socdo Baaris dheeri ah, waxaana marka ay soo dhamaato Baaristu loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh.