10- July-2023- Muqdisho
Somalia ayaa biloowday u diyaargaroowga xubin ka noqoshada
Ururka Iskaashiga Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika ee (EAC) oo dhowaan la aqbalay codsiga ay ku biiritaankeed” Warbixn Dheeho.com
Kulan uu shir gudoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay heerka u diyaar garowga dowladda Soomaaliya ee xag farsamo iyo dhaqaale.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Urur Gobolleedka (EAC) ay ugu jirto fursado iyo dano ganacsi, dhaqaale iyo isu socod, kuwaasi oo abuuraya maalgashi iyo shaqooyin wax weyn ku soo kordhinaya dhaqaalaha dalkeena. Waxaa uu sheegay in xubinnimada Soomaaliya ay u sahleyso ganacsatada Soomaaliyeed ka mid noqoshada suuq weyn ay kaga faa’iideeystaan inay u iibgeeyaan badeecadahooda, iyadoo aan la canshuurin.
Shirka ayaa waxaa warbixinno ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray codsiga dowladda Soomaaliya, qaabka loo wajahayo wada xaajoodka iyo waxa ay ka qabsan karto Soomaaliya soo jeediyay Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Madaxweynaha Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo La taliyaha Horumarinta Ganacsiga ee Ra’iisul Wasaaraha Cabdiqani Jaamac.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn bogaad犀利士 iyey shaqada ay qabteen Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha iyo saraakiisha kale ee kala shaqeeyay hawsha lagu guuleystay ee ku-biirista Soomaaliya ee Urur Gobolleedka Bariga Afrika (EAC).