Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ayaa dib u bilaabay howlihiisii Markii Diyaarad ka soo duushay Garoowe ay Ku dhacday Muqdisho

11- July-2023

Howlaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa caadi ku soo laabtay kadib markii Diyaarad ka duushay garoowe oo ay la socdeen 30 qof ay Muqdisho ku dhacday Dheeho.com

Diyaarada oo Saarnaayeen 30 Qof ayay Wararka sheegayaan inay wadada ka baxaday ka hor intii aaney ku burburin garoonla diyaaradaha Aadan Cade ee Magaaalada Muqdisho

Diyaaraddan oo ka diiwaan gashaneyd shirkada Hala Airlines ayaa shilka ay gashay waxaa ku dhaawacmay gabar yar.

Diyaarad rakaab oo ka duushay Garoonka Diyaaraddaha ee Magaalada Garoowe, ayaa ku dhacday Madaarka Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradan shilka ku gashay garoonka aysan la socon Ra’iisul Wasaarayaashi hore ee Soomaaliya oo ka soo ambabaxay Garowe, iyagoo ka mid ah Siyaasiyiinta uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku martiqaaday shir wadatashi oo looga hadlayo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

犀利士 nshot_20230711-172314.png” alt=”” class=”wp-image-99511″/>