WHO Oo Cambaareeysay maamulka Somaliland, Weerar gantaalo ah ooy ku qaadeen Xarunta Caafimaadka laascaanood

4- July-2023

壯陽藥 – wp:image {“align”:”center”,”id”:55708,”width”:519,”height”:288,”sizeSlug”:”full”,”linkDestination”:”none”} –>

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay, inay ka xun tahay isla markaana ay cambaaraynayso weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taala magaalada Laascaanood, 11kii bishan July 2023, sida ay hadalka u dhigeen.

Tedros adhenom, madaxa hay’addaas ayaa qoraal uu ku soo qoray barta twitterka ku sheegay in weerarkaasi uu sababay tobanaan dhimasho iyo dhaawac ah – oo ay ku jiraan shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo bukaanadii cisbitaalkaas

Maamulka Somaliland ayaa dhankooda dhowr jeer sheegtay in aanay iyagu beegsan goobaha caafimaadka, xilli muddooyinkii u danbeeyey uu dagaal ka socday magaaladaasi Laascaanood.

Xaalada xarunta gobolka Sool ayaa kasii dareysa, iyadoo dhinacyada dagaalamaya ay isku eedeenaya mas’uuliyada sii socoshada colaada.

Somaliland iyo Isimda dhaqanka ee SSC ayaa ka dhega fureystay baaqyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee ku aadan in dagaalka la joojiyo.