Ninkii la filayay inuu ku gubo kutubta Towrah iyi Bible-ka magaalada Stockholm ee dalka Sweden oo ka baaqsaday falkaas.

15- July-2023

Ninkii la filayay in kutubta Towrah iyi Bible-ka ku gubo magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden ayaa ka baaqsaday falkaas.

Wuxuu yimid meel u dhow safaaradda Israa’iil ee magaaladaas halkaasoo oggolaansho loo siiyay inuu dibadbax ka dhigo, balse wuxuu sheegay inaysan ahayn in la gubo kutub barakeysan, wuxuuna cambaareeyay sida nuqul ka mid ah Qur’aanka Kariimka loo gubay bishii la soo dhaafay.

Ninkan oo keliya lagu magacaabay Axmed ayaa sheegay in ujeedkiisu uu ahaa inuu ka falceliyo arrintaas iyo sida ay muhiim u tahay in la xushmeeyo dhammaanba diimaha iyo kutubta barakeysan.

Warka ah in la fasaxay qorshaha lagu gubi lahaa kutubbadan ayaa aad looga cambaareeyay meelo ka mid ah adduunka.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa ugu baaqay dowladda Sweden in ay joojiso mudaaharaadka lagu gubayo kitaabada Towreedka iyo Baybalka, kaas oo lagu wado in uu maanta ka dhaco meel ka baxsan xafiiska diblomaasiyadda.

Madaxweynaha Israa’iil ayaa yiri “Anigoo ah madaxweynaha dawladda Israa’iil, waxaan cambaareeyay gubitaanka Quraanka, oo ah mid muqadas u ah Muslimiinta adduunka oo dhan, waxaana hadda aad uga xumaaday in isla qaddarkaas uu sugayo Baybalka Yuhuudda, oo ah kitaabka daa’imka ah ee Yuhuudda,” Isaac Herzog ayaa sidaas ku yiri bayaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Eli Cohen ayaa sheegay in uu ugu baaqayo mas’uuliyiinta Sweden in ay ka hortagaan dhacdadan foosha xun oo aysan ogolaan in la gubo kitaabka Tawreed-ka.

Golaha Jaaliyadaha Yuhuuda ee Sweden ayaa ka xumaaday go’aanka booliiska ee lagu fasaxay mudaaharaadka uu dhaco.

Bishii la soo dhaafay, magangelyo doon u dhashay dalka Ciraaq oo Masiixi ahaa ayaa kitaabka Qur’aanka Kariimka ku gubay bannaanka Masjid ku yalla Stockholm, xilli lagu jiray munaasibadda Ciidda Ciidul-Adxa ee ugu weyn Muslimiinta, taasoo dhalisay cambaareyn ballaaran oo Caalamka Islaamka ka dhacday.

Arbacadii, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa si aqlabiyad ah u ansixisay tallaabo ugu baaqaysa waddammada inay wax badan ka qabtaan sidii looga hortagi lahaa nacaybka diimeed ee ka dhashay gubashada Qur’aanka.

Waxa la ansixiyay iyadoo ay diidmo ka muujiyeen waddamada reer galbeedka oo ka baqaya in tillaabooyinka adag ee dowladuhu ku tuman karaan xorriyadda hadalka.

Dowladda Sweden oo oggolaatay bannaan bax kale oo lagu gubayo kitaabada Towreedka iyo Baybalka

Booliska Stockholm ayaa Jimcihii sheegay in ay oggolaadeen mudaaharaad ka dhacaya dalkaasi iyadoo uu qorsheeyay nin sheegay in uu doonayo in uu ku gubo kutubta Towreedka iyo Baybalka bannaanka hore ee safaaradda Israa’iil ay ku leedahay magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Sweden ayaa dhawaan la kulantay dhaleecayn xoogan oo uga imanaysay wadamada Muslimka ah kadib markii ay ogolaatay in dadka mudaaharaadaya ay kitaabka Qur’aanka kariimka ah gubaan kadib banaanbaxyo yar yar oo ka dhan ah Islaamka.

Ninka gudbiyay codsiga mudaaharaadka Sabtidii, ayaa sheegay inuu doonayay inuu ku gubo Towreed-ka iyo Baybalka bannaanka safaaradda Israa’iil isagoo ka jawaabaya Qur’aan lagu gubay bannaanka masjid ku yaalla Stockholm bishii hore oo uu gaystay nin Ciraaqi ah oo soo galooti ah.

Booliiska Stockholm ayaa oggolaaday mudaaharaadka sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press, waxa la sheegayaa in saddex qof ay ka qayb qaadan doonaan bannaanbaxa ka dhacaya bannaanka safaaradda Israa’iil 1-da duhurnimo ee sabtida maanta