Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay inaan mar dambe loo dulqaadan doonin mudaaharaadyada mucaaridka

15- July-2023- AFP

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo digniin adag u jeediyay mucaaradka ayaa sheegay “in dibedbaxyo aysan ka dhici doonin qarankeena, midkii ay u qorsheeyeen Arbacada ma dhici doonto.”

Waxa uu taageerayaashiisa kula hadlayay magaalada Naivasha ee bartamaha Kenya, labo maalmood kaddib markii ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen iska horimaadyo dhexmaray dibadbaxayaal iyo ciidamada ammaanka.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa billaabay dibadbaxyo xiriir ah oo looga soo horjeedo kororka canshuurta, oo ay ku jirto in la laba jibaaro canshuurta laga qaado shidaalka, taasoo la saxiixay bishii hore.

“Doorashadii waxay dhamm壯陽藥 aatay 9-kii Agoosto ee sannadkii hore, ma raadin kartaan hoggaanka dalkan adigoo isticmaalaya dhiigga muwaadiniinta, dhimashada muwaadiniinta iyo burburinta hantida,” ayuu yiri Mr Ruto.

“Banaabaxyadan ma dhici doonaan

Mr Odinga ayaa goor sii horeysay sheegay in todobaadka soo socda la arki doono saddex maalmood oo kale oo mudaaharaad ah oo bilaabanaya Arbacada.

Sida dastuurku dhigayo dadka mudaharaadka abaabulaya waa in ay maamulka u sheegaan waxa ay damacsan yihiin, laakiin madaxweynuhu awood uma laha in uu mudaharaado mamnuuco.