Baarlamaanka Fadaraalka oo kawada hadlay arimo la xriira heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka

犀利士 color has-extra-large-font-size”>14- July-2023- Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mduane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta guddoomiyay kulan gaar ah oo uu la yeeshay xubnaha guddiga joogtada ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kulankan oo ahaa oo kii afaraad ee aan caadiga aheyn ayaa waxaa goobjoog ahaa labada ku xigeen ee Golaha Shacabka iyo xubnaha guddiga joogtada ah ee baarlamaanka.

Inta uu socday kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay xukuumadda usoo gudbisay guddoonka sare ee labada Aqal.

Guddoonka iyo guddiga ayaa dood dheer iyo falanqeyn yeeshay heshiiskan, waxayna kadib ay isku raaceen in lagu wareejiyo guddiga dib u eegista, la-socodka iyo hirgelinta dastuurka si ay ugu soo shaqeeyaan, uguna dhigaan siiqad dastuur, ka dibna ay u horkeenaan fadhigga Golaha Shacabka Soomaaliya oo ugu dambeyn ka doodi doono heshiiskaasi.

Tallaabada uu Golaha Shacabka u qaaday heshiiskan ayaa kusoo aadeyso, xilli ay weli taagan yihiin tabashooyin laga muujiyay qodobada kasoo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka oo ay ka horyimaadaan inta badan xubnaha mucaaradka ah.

Sidoo kale, dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo aan qayb ka aheyn heshiiska ayaa hortimid, waxayna taas sii xoojisay walaaca laga muujiyay go’aanka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay taageero u raadineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxtooyada oo hormuud u ah dadaalladaas ayaa Khamiistii magaalada Muqdisho kusoo gabagabeysay shir wadatashi ah oo uu guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ay ka qaybgaleen inta badan madaxdii hore ee dalka.

Shirka ayaa waxaa lagu gorfeeyay xaaladda guud ee dalka iyo sidoo kale heshiiska Golaha Wadatashiga oo qeexaya nooc doorasho iyo nidaam cusub oo dalka laga hirgelinayo.