Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Addis Ababa

20″ December “2020” Addis Ababa” Reuters

Saddex qof ayaa Axadda maanta ah ku dhimatay markii bambo meel looga tagay ay ku qaraxday caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa, sida ay ku warameyso wakaaladda wararka ee dowladda.

Wakaaladda ayaa warisay in qaraxu uu ka dhacay deegaanka Lideta oo u dhow bartamaha caasimadda, iyadoo intaa ku dartay in qaraxa ay ku dhinteen saddex qof ayna ku dhaawacmeen shan kale.

Qaraxa ayaa dhacay xilli uu gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi muddo lix toddobaad ah ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada federaalka iyo ururla TPLF, laakiin ma jirto wax tilmaamaya in uu xiriir ka dhexeeyo qaraxa iyo colaadda gobolkaasi.

“Waxaa socda baaritaan la xiriira qaraxa, shacabkana waa lala wadaagi doonaa marka uu baaritaanku dhamaado,” ayay wakaaladdu warisay.

Waxaa jiray dhowr qarax oo bambooyin yaryar ah oo kadhacay Adisababa tan iyo intii xukuumada raiisel wasaare Abiy Ahmed ay duullaanka kuqaadeen Tigray People’s Liberation Front (TPLF), jabhadihii hore ee xukumi jiray Tigray, Nov 4

Booliska federaalka ayaa ku eedeeyay qaraxyada qaar kooxda TPLF, laakiin ma aysan keenin caddeymo ay ku taageerayaan sheegashadooda.

Dowladda Itoobiya waxay qabatay magaala madaxda Tigreega ee Mekelle 28-kii Nofeembar 28. Hoggaamiyeyaasha TPLF, oo suuragal ah inay ku dhuumaalaysanayaan buuraha ku xeeran tan iyo markaas, waxay sheegeen inay dib u dagaallamayaan. Reuters

Leave a Reply