5- October-2023-Muqdisho”

Wasiirka Arrimaha Guduha XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caawa si wadajir ah u shir guddoomiyay kulan gaar ah oo looga hadlayay dardargalinta horumarinta qaadashada adeega Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed oo si habsami leh u socda.
Shirkan oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose Xamar ayaa waxaa goob joog ka ayaa maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil, iyada oo goobta uu shirkan ka socday lagu soo bandhigay habraaca nidaamka qaadashada Aqoonsiga Qaranka iyo muhiimada uu u lee yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa tilmaamay in maamulka Gobolka 犀利士 uu taageerayo nidaam kaste oo lagu xoojinayo Dowladnimada iyo Amniga Dalka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi waxaa uu tilmaamay nidaamka Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed uu muhiimad gaar ah u lee yahay dhismaha Dowladnimada, Horumarinta adeegyada bulshada, Nabadgalyada, iyo xaqiijinta muwaadinnimada.
