16- October-2023
Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa gargaar bani’aadannimo oo loogu tala galay dadka nugul ee colaaduhu saameeyeen gaarsiisay magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool.
Gargaarkaan oo gaaraya 500 oo tan oo raashin ah ayaa qeyb ka ah dadaallada gurmad ee hay’adda SoDMA u fidineysay shacabka Laasacaanood tan iyo markii ay billaawdeen dagaalladii ka dhacay magaalada.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ee SSC- Khhaatuumo iyo kan degmada Laascaanood ayaa hay’adda SoDMA uga mahadceliyey deeqdaan.
Ugu dambeyn Agaasimaha guud ee waaxda gargaarka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Dr Cabdirashid Maxamuud Xasan ayaa ka warbixiyay gargaarkaan, wuxuuna sheegay in hay’addu ay si wadi doonto u gurmashada shacabka ku dhaqan Laascaanood.
Somaliland ayaa markale hanjabaad u diray deegaanada SSC-KHAATUMO iyadoo Dowladda Soomaaliya ay shixanado gargaar gaysay magaalada Laascaanood
Korneel Saciid Cawil Caare oo horay usoo noqday hoggaamiyaha jabhad la dirirtay Somaliland, balse markii dambe la heshiiyay xukuumadda madaxweyne Muuse Bixi Cabdi ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka magaalka Laascaanood.
Korneelka ayaa weerar afka ah ku qaaday SSC-KHAATUMO, wuxuuna sheegay in aysan ka talin karin Sool, Sanaag iyo Cayn, isaga oo tilmaamay inay ka tirsan yihiin Somaliland.
Sidoo kale waxa uu ku goodiyay in Somaliland ay qaadi doonto tallaabo deg deg ah oo ay uga jawaabeyso dhaq dhaqaaqyada ay SSC ka wado xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.
Xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii u dambeeyay daganeyd, inkastoo ay labada dhinac dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wadaan gobolka Sool, taas oo keentay cabsi xoogan.