18-:October,-2023″
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, qaybta bixinta abaalmarinta caddaaladda loogu raadinayo dadka ay beegsadaan kooxaha xagjirka ah ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin dhan $5 milyan oo la siinayo qofkii bixiya macluumaad horseeda in la aqoonsado meelna lagu hubsada mid ka mid ah hoggaamiyayaasha al-Shabaab oo lagu magacaabo Abuukar Cali Aadan.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegtay in Abuukar Cali Aadan uu yahay ku-xigeenka hoggaamiyaha al-Shabaab, sannado bandanna uu soo ahaa madaxa milaariga ee al-Shabaab, yo madaxa Jabhadaha.
Bishii Jannaayo ee sannadkii 2018, ayaa Wasaarada Arrimaha Dibeddu ay Abuukar Cali Aadan ku dartay liiska argagixisada.
Maraykanku waxaa sidoo kale uu sannadkii hore kordhiyey lacagaha abaal-marinta ah ee lagu doonayo labada hoggaamiye ee kale ee al-Shabaab oo kala ah Axmed Diiriye iyo Mahad Karate oo Maraykanku sheegay midkiiba inuu ku bixinayo $10 milyan oo dollar.
Sannadkii 2008 ayaa Maraykanku uu al-Shabaab u aqoonsaday inuu yahay urur aragagixiso ah.