15- November-2023

Fatahaadda wabiga shabeelle oo karkaarada jabsadayn ayaa sababay dhimashada dadka badan 10 qof magaalada baladweyne ee gobolka hiiraan iyadoo saameynta daadadka laga dareemay afarta xaafadood ee magaalada Dheeho News Every Day
Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, sida ay wararku sheegayaan.
Ilaa 8 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay magaalada Baladweyne 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida uu sheegay maamulka degmada Baledweyne.
Maamulka degmada Baledweyne ayaa sidoo kale sheegay in daadadku ay geysteen khasaare hantiyeed oo aad u badan iyo barakac maalmihii la soo dhaafay.
Duqa degmada Baledweyne Nadar Tabax ayaa sheegay in Hay’adaha Samafalka ay ka gaabiyeen wax ka qabashada dadka ku dhaqan magaaladaas, iyadoo dadkii ku noolaa magaalada ay fatahaaddu ku dhufatay ay u qaxeen deegaanka Ceel Jaalle.
Marwo Nadar ayaa sidoo kale dalbatay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ee ay fatahaaduhu saameeyeen.
Si kastaba ha ahaatee Xaafadaha Baledweyne ayaa waxaa isaga baxay qoysaskii ku soo xoomay dhulka buuraleyda ah ee ka baxsan magaalada, iyadoo biyaha webiga ay saacadba saacada ka dambeeya buux dhaafiyeen.
Ilaa 41 qof ayaa ku dhintay daadad ka dhacay Soomaaliya, iyadoo dowladda oo taageero ka heleysa hay’adaha gargaarka ay isku dayday in diyaarad gargaar iyo teendho ay ku daabusho dadka ku barakacay biyaha roobabka.