6″ January ” 2012″ Muqdisho”
Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Cabdicasiis Lafta-gaareen ayaa Maanta kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Taliyaha NISA.
Warar la helayo ayaa sheegaya in kulanka koowaad oo ka dhacay Xarunta NISA ay wada qaateen Madaxweyne Lafta-gaareen, Qoorqoor iyo Taliye Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaasi oo looga hadlay xaaladda siyaadadeed ee dalka.
Inta uu socday kulankaas ayaa waxaa diirada lagu saaray caqabadaha ka jira doorashada dhaceysa gaar ahaan arrinta Gobolka Gedo iyo doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi oo labadaba ka mid ah caqabadaha waa weyn ee ku horgudban hirgelinta hannaanka doorashada.
Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa intaas kadib waxaa ay kulan wadajir ugu tageen Madaxweyne Farmaajo, markii uu soo dhammaaday kulankii ay la yeesheen Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, iyagoo kala hadlay xal u helida doorashada.
Mdaxweyne Axmed Qoorqoor ayaa dadaal ugu jira sidii xal loogu heli lahaa khilaafka doorashada, gaar ahaan arrinta Gedo iyo kuraasta Somaliland, waxaana jirta rajo ah in qaab foggaan arag ah ama wada hadal fool ka fool la isugu yimaado, si loo xalliyo caqabadaha taagan